SOMALILAND: Baanka Dhexe Oo Go’aan ku Soo Saarray Isticmaalka iyo Addeegsiga Shillinka Ee Degmadda Tog-Wajaale

Tog-Wajaale (Hayaannews): Baanka dhexe ee JSL ayaa shaaciyay in aan laga isticmaali karin degmadda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley lacag aan ahayn shillinka Somaliland.

Waxaana la faray dhamaan ba ganacsatadda kala gedisan ee ka hawl galla magaaladda Wajaale in ay u addeegsadaan lacagta shillinka Somaliland dhamaan macaamilka ganacsi, iyo hawlaha lacag bixinta oo dhan.

Sidoo kale waxaa lagu war geliyay dhamaan ba haayadaha dawladda ee heer degmo, heer gobol, iyo heer qaran ee ka hawl galla degmadda Tog-Wajaale, in ay ku qaadaan dakhligoodda lacagta shillinka Somaliland, si waafaqsan xeerka Maaliyadda JSL.

Sidaasi na waxaa sheegay guddoomiyaha Baanka dhexe ee JSL Cali C/laahi, oo go’aamada ay soo saareen ka akhriyay xaflad shalay lagu qabtay magaaladda Tog-Wajaale.

Taasoo lagu shaacinayay dhaqan gelinta addeegsiga ama isticmaalka lacagta shillinka Somaliland ee guud ahaanba hawlaha ganacsi ee ka socda Tog-Wajaale.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee JSL Cali C/laahi, oo war-saxaafadeedkaasi akhriyay na waxa uu yidhi, “Anagu Bangi dhexe ahaan fariinta aanu u jeedinayno ganacsatadda, iyo bulshadda ku dhaqan degmadda Tog-Wajaale, waxay noqonaysaa war-saxaafadeedkani oo dhaqan gal noqon doona wixii maanta (shalay), ka danbeeya.

Baanka dhexe ee JSL isagoo cuskanaya qodobka 13-naad, ee dastuurka JSL , iyo qodobadda 4-aad, iyo 61-aad, ee xeerka uu baanka dhexe ku aasaasan yahay, ee Xeer LR. 54/2012, dhamaan ba qodobadaasi oo tilmaamaya in baanka dhexe uu qaranka uga masuul yahay hogaaminta siyaasadda, iyo ilaalinta lacagta dalka, dejinta, iyo hirgelinta siyaasadda lacagta.

Taageeridda siyaasadda guud ee dhaqaalaha qaranka, iyo ilaalinta, ama daryeelidda lacagta shillinka Somaliland, taasoo ah mid ka mid ah astaamaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland”

“Hadaba, si kor loogu qaado, loo na balaadhiyo ku ganacsiga, ama ku addeegsiga lacagta dalka, oo ay noqoto mid ka dhaqan gasha, lagu na wada isticmaallo, dhamaan ba goboladda iyo degmooyinka dalka, jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu baanka dhexe farayaa dhamaan ba haayadaha dawladda, qaybaha bulshadda, iyo ganacstadda degmo ganacsiyeedka Tog-Wajaale, in laga bilaabo 05/02/2023.

1: in ay u addeegsadaan lacagta shillinka Somaliland dhamaan macaamilka ganacsi, iyo hawlaha lacag bixinta oo dhan.

2: in ay dhamaan ba haayadaha dawladda ee heer degmo, heer gobol, iyo heer qaran ee ka hawl galla degmadda Tog-Wajaale, ku qaadaan dakhligoodda lacagta shillinka Somaliland, si waafaqsan xeerka Maaliyadda JSL” ayuu yidhi Cali C/laahi.

Geesta kale guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL waxa uu sheegay in lacagta SHSL laga heli karro laanta baanka ee degmadda Tog-Wajaale, iyo Sarifleyaasha Ruqsadda ka haysta baanka dhexe ee JSL ee ka hawl galla degmadda Tog-Wajaale.

Waxaanu yidhi, “Ugu danbayn, baanka dhexe waxa uu ku wargelinayaa bulshadda Tog-Wajaale, in lacagta SHSL laga heli karro laanta baanka ee degmadda, iyo Sarifleyaasha Ruqsadda ka haysta baanka dhexe ee JSL ee ka hawl galla degmadda Tog-Wajaale”.