SOMALILAND: Golaha Guurtida Oo La Isugu Yeedhay Fadhi Deg-Deg Ah

Hargeysa (Hayaannews)- Xildhibaanadda Golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta la isugu yeeshay fadhi deg deg ah.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu baaqay mudaneyaasha golahaasi oo fasax ku maqan in ay fadhigaasi deg deg ah yimaadaan.

Sida uu sheegay xoghayaha guud ee golaha Guutida Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi, oo maanta warbaahinta la hadlay. Waxaanu tilmaamay in in shir-guddoonka Guurtidu ku wargelinayaan xildhibaanadda golahaasi in ay ka soo qaybgalaan fadhi aan caadi ahayn maalinta Isniinta ee 1-da bisha 2aad ee sanadkan 2021-ka.

Fadhigan ayaa la filayaa in lagaga hadlo arrimaha doorashada iyo in ay go’aan ka soo saaraan Golaha Guurtidu is-waafajinta muddo kordhintii ay hore ugu sameeyeen Golaha Wakiiladda iyo muddada Komiishanku u cayimay qabsoomidda doorashooyinka.

Sidoo kale, Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan shaaciyay inay u cayimeen in doorashooyinka Wakiiladda iyo Deegaanku ay qabsoomaan 31-ka bisha 5aad ee sannadkan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO