SOMALILAND: Golaha Wakiilada Oo Loogu Baaqay In Ay Bogaadiyaan Baarlamanka UK

“Qaranimada ay reer Somaliland gaadheen oo ah mid buuxisay dhamaan shuruudaha sharciga caalamiga ahi u dhigay dawladnimada waxa ay u qalantaa inay hesho aqoonsiga caalamiga” Xildhibaan RAMBO.

Hargeysa (Hayaannews) Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac Rambo ayaa usoo jeediyay Golaha Wakiilada in Hambalyo u diraan Mooshinka Ictiraafka Somaliland ee Xildhibaan Gavin Williamson oo soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka dalka Ingiriiska.

Xildhibaan Rambo ayaa waxa uu ku amaanay Mudane Gavin Williamson dadaalka uu sameeyay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska. Xildhibaanka oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan jecelahay in aan dareen kiina ku soo jeediyo doodda ka dhici doonta Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ee loo yaqaan House of Commons.kaas oo mudane Gavin Williamson uu ku soo hordhigi doona Baarlamaanka Ingiriiska aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.waxa aan si weyn ugu mahad celinayaa mudane Gavin Williamson oo ah xildhibaan si dhow ula socda Somaliland,waan ku hambalyaynayaa dadaalka uu sameeyey iyo talaabada horusocodka ah ee uu u qaaday xoojinta xidhiidhka labada dal.

Mudane Gavin Williamson hore ayuu u yimi Somaliland.waxa uu xog ogaal dhow u yahay horumarka dal dhis iyo dawlad dhis ee aynu gaadhnay soddonkii sannadood ee u danbeeyey,”.

Sidoo kale Xildhibaan ayaa waxa uu sheegay in Somaliland buuxisay sharciga shuruudaha Caalamiga ahi dhigayaan.Waxaana uu yidhi”Qaranimada ay shacabka reer Somaliland gaadheen oo ah mid buuxisay dhamaan shuruudaha sharciga caalamiga ahi u dhigay dawladnimada waxa ay u qalantaa inay hesho aqoonsiga caalamiga ah ee ka soo daahay.gudida Arimaha Debedda ee Golaha Wakiiladda ahaan waxa aanu si dhow ula soconaa dadaalada ka socda meelo badan oo ka mid ah dunida oo ay xukuumadda iyo shacabka qurbo joogga ah ee Somaliland ka wadaan si loo hello xidhiidh wanaagsan iyo ictiraaf aynu adduunka la yeelanno.waxa aan u mahad celinayaa cid kasta oo ka mid ah shacabka Somaliland ee qurbaha joogta, gaar ahaan Ingiriiska, iyo saaxiibada Somaliland ee Ingiriiska ee dadaalka laba kaclaynta ah ka bilaabay raadinta iyo ka midho dhallinta aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane guddoomiye waxa aan soo jeedinayaa in aad igu raacdaan in aynu si rasmi ah hanbalyayno oo isku garab taagno dadaalka ka socda Ingiriiska iyo mudane Gavin Williamson”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com