SOMALILAND iyo Jabuuti Oo Heshiis Dhanka Amniga Ah Kala Saxeexday

Hargeysa (#Hayaannews)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax ayaa kala saxeexday Heshiis lagu adkaynayo Amniga labada dal.

Taliyaha Ciidanka booliska Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax oo kulankaa ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka Wada-hadleen Taliyaha Booliska Somaliland xoojinta amniga labada dal.Waxaanu yidhi”Waxaa isku kaaya keenay waxa weeye sidii aanu dib iskula falanqayn lahayn oo aanu wada shaqayn toosa ka wada shaqayn karno dhibaatooyinka dadka Dambiyadda gelaya ee iskaga gudbaya Xuduudaha ee had iyo jeer ina soo waajaha dhankay doonaan haka yimaadaane,sidii aanu iskaga gaashan buuraysan la hayn ee aanu uga hortagi lahayn ayaanu ka Wadahadalnay wixii xog ah ee ku sahabsan u wada wadaagi lahayn oo aanu u adkayn lahayn Nabada labada dal Wada shaqayna waligeed way naga dhaxayn jirtay,qaraxii Jabuuti ka dhacay annaga oo gacmaha ishaysana ayaanu ka hor tagnay dhibaatadaas waxaana markhaati u ah dadka dambiyaa u xidhan in aanu ka soo qabanay Somaliland gudaheeda taasna waxa keenaysa walaaltinimada iyo Jaarnimada oo aanu ka hor tagno wixii dhibaato u keenaya Amniga labada dal”.#Hayaannews

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka Wadahadleen Taliyaha Booliska Jabuuti.waxaanu yidhi”Waxa aanu nahay labada dal oo darisa oo isku dhaqana oo isku diin ah oo Xuduud wadaaga waxaanan ka wada shaqaynaa Amniga,sidaa daraadeed waxa aanu kala saxeexanay sidii Kootarabaanka ula wada dagaalami la hayn iyo sidii aanu iskaga kaashan lahayn dhibaatooyinka jira iyo wixii labada dal wax yeelaya sidii aanu iskaga kaashan lahayn.waxa kale oo aanu ka Wadahadalnay xadka iyo dambiyada ayaanu kala saxeexanay Dastuurka Somaliland waxa uu qeexayaa in Nabad kula noolaano dalalka jaarka ah Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay daris nahay,”.

Dhinaca kale waxa goob joog ahaa ka ahaa heshiiskan ay kala saxeexdeen Hay’adaha Amaanka ee Somaliland iyo Jabuuti dhinaca Somaliland Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan Guddoomiyaha Gobolka Selal iyo ku Xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud Somaliland Cali Maxamed Cali dhinaca Jabuuti waxa ka socday Kornayl Cabdiqaadir Goona.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka ee Shaabkada Wararka ee WWW.Hayaannews.net  Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com