Maxaad Ka Ogtahay Isku Daygii Samaynta Guutadii UFFO Ee Ururkii SNM iyo Sidii Loola Meeraystay ?

Marka laga  soo bilaabo sanadkii 1989 kii ilaa intii   Dalka laga soo galiyay waxa ururka SNM ku soo qulqulayay saraakiil aad u tiro badan oo ka soo goosanayay Taliskii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre, saraakiishaas oo ka iman jiray Muqdisho iyo Gobolada Koonfurta Soomaaliya ee kala duwani waxay soo mari jireen dhulka Hawdka ah ee teedsan Soomaaliya ilaa Itoobiya  iyagoo aakhirka iman jiray  oo iska soo xaadirin jiray xaruntii SNM ee Bali-gubadle.

Xiligaasi xaalka SNM wuxuu ahaa mid ay kala daadsanaan badani ka muuqato, khilaafna uu hadheeyay, ciidamadii SNM tuna ay hab qabiilaysan oo magacyo qaybeed wata ay u kala fadhiyeen.

Saraakiishii xiligaas Koonfur ka yimi waxay SNM tii ku soo kordhiyeen dhiig cusub iyo firfircooni, waxaanay badi la wareegeen hoggaankii qaybaha kala duwan ee Ciidamada SNM. Saraakiisha xiligaas SNM ku soo biiray ee markiiba dagaalkii hoggaanka u qabtay oo aad u badnaa waxaynu ka xusi karnaa  oo ka mid ahaa;

Col. Haybe Cumar oo noqday Taliyihii Aaga 31aad, Col. Cabdilaahi Darawal oo noqday Abaanduulihii aagga 31aad, Col. Maxamed Xuseen Qalinle oo noqday Hawlgaliyihii aagga 31aad, iyo Col. Carab Ducaale oo noqday Taliyihii Guud ee Ciidamada SNM, waxaa kale oo jiray saraakiil badan oo kale oo Bari iyo Galbeedba ka hawl galay.

Hadaba Inta aynaan ku hafan badweyntii SNM oo aan Taariikhdeeda si fudud loo soo koobi karin, aynu hoos ugu daadegno  dulucda maqaalkeena ee khuseeya UFFO.

Xiligaas aynu kor ku soo sheegnay ee ay Saraakiishu ka soo goosanaysay Dawlada Soomaaliya ayaa waxa soo goostay oo ururkii SNM u yimi laba sarkaar oo khabiirro ah oo kala ahaa Gen. Cali Xuseen iyo Col. Cabdi Xuseen Diiriye Curad, waxa ay ahaayeen laba Sarkaal oo  Dawladii Soomaaliya ay aad uga naxday inay ka goosteen.

Labadaas Sarkaal ee Janaraal Cali Xuseen iyo Kornayl Cabdi Xuseen oo markiiba indho-indheeyay xaalada ay SNM xiligaas ku jirtay waxa ay hoggaankii sare ee SNM ay u sheegeen in xaalada qaybsanaanta ah iyo khilaafka ay SNM ku jirto aanay Dal ku qabsan karin, waxaanay dalbadeen in la dhiso ciiddan middaysan oo SNM qaybaheeda ka kooban oo ugu yaraan 800 oo askari ah oo iyaga gacanta loo geliyo.

Muddo yar gudaheedba Ciidan ka socday qaybtii 3aad, iyo qaybtii 12aad iyo qaybtii 4aad ayaa u yimi qaybtii 10aad oo hore usii deggenaa meesha la yidhaa  CUNO-QABAD dadka qaarna ay u yaqaanaan Bariiso-yar oo ku taalla nawaaxiga u dhexeeya Darfacle iyo Godka Jaamac Giriin meesha la yidhaa.

Ciidankaas waxaa Madax looga dhigay Cabdilaahi Darawal, Geelle nin la odhan jiray oo 3aad ka tirsanaa iyo nin Cabdiraxmaan la odhan jiray oo 4aad ka tirsanaa. #Hayaannews

Nasiib darro Ciidankaas oo aan wax dagaal ah gelin ayaa khilaaf ku bilaabmay, khilaafkaas oo u dhexeeyay Saraakiishii sare SNM tii hore iyo Saraakiishii cusbayd ee koonfur ka timi, isku meeraysi ka dib ciidankii wuu kala dhaqaaqay, waxaanay aakhirkii ku kala noqdeen qaybihii ay ka kala yimaadeen markii hore.

Inkasta oo ciidankaas UFFO loo bixiyay lala meeraystay, hadana aakhirkii fikirkaasi muu shiikhin, waxaanuu bar bilow u noqday aasaaska Guutadii Koodbuur oo xiligaas wax yar ka dib la dhisay.

Marxuum Gen Cali Xuseen iyo Col. Cabdi Xuseem Diiriye Curad waxa Taliyihii Ciidamada Itoobiya Gobolka Hararge iyo Sirdoonka Itoobiya ay ku soo war geliyeem inay hayaan xogo tilmaamaya in Dawladii Soomaaliya ay qorshaysay in ay disho loona adeegsan doono  sirdoon gaar ah, sidaas darteed ay Bali-gubadle ka tagaan oo ay xaga Jigjiga yimaadaan, hase yeeshee  way ka dhago adaygeen in ay taladaas qaataan, waxayse sameeyeen in guri ay ka dhex kiraysteen badhtamaha Bali-gubadle oo ay ka aag badasheen Xarunta SNM oo ay dhex seexan jireen.

Fiiro gaar ah: iyada oo maanta ay tahay maalintii UFFO ayaan jeclaystay inaan xuso guutadii SMM ee UFFO loo bixiyay. Magacyada aan halkan ku xusay intii dhimatay Rabbi ha u naxariisto, inta noolna Rabbi Caafimaad iyo Cisi haku nooleeyo. Aamiin.

Kaysar Maxamed

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com