SOMALILAND: Masuuliyiinta Warfaafinta Oo Lagu Eedeyey Xil Gudasho La’aan

Hargeysa (Hayaannews)- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah mudaneyaasha ku soo baxay golaha Wakiillada Somaliland, ayaa dhaliilo adag u ujeediyey masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta oo uu ku eedeeyey inay gabeen ama ka gaabiyeen fulinta iyo dar-dargelinta hawlaha ay qaranka u qaabilsan tahay hay’adda dowladeed ee masuuliyadeeda loo xil-saaray.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo hadal ka jeediyey munaasibad xalay lagu soo bandhigay buug uu qoray Abwaan Yuusuf Shaacir, ayaa ku dhaliilay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Saleebaan Cali Koore iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Maxamed Yuusuf inay ku fashilmeen jihaynta hawlaha ay qaranka u qaabilsan tahay Wasaaradda Warfaafinta isla markaana ay kharashkii iyo miisaaniyaddii loogu talo-galay wax-qabadka wasaaradda ku bixiyaan waxyaabo aan muhiimadd u lahayn danta qaranka.

Md Barkhad Jaamac Batuun waxa uu si gaar ah ugu dhaliilay masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta inay waxyaabo aan Qaranka faa’iido u lahayn ku bixiyaan miisaaniyaddii loogu talo-galay hawlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan Idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com