Qarax Xoogan Oo Ka Kacay Markab Weyn Oo Ganacsi, Oo Ku Soo Xidhay Dekedda Caalamiga Ah Ee Jebel Ali Ee Dubai.

Dubai(Hayaannews)-Wakaalada wararka Reuters ayaa ku warantay  iyadoo soo xiganaysa dad goobjoogayaal ah, in qarax xoog leh laga maqlay magaalada Dubai oo ah xarunta ganacsiga wadanka Imaaraadka

Reuters waxay intaa ku dartay inaan Ilaa hadda la ogayn sababta ka danbaysa Qaraxan xoogan.

Warbaahinta Imaaraatkuna waxay shaacisay in qaraxu ka dhacay dekedda Jebel Cali ee ku taal magaalada Dubai.”

Warbaahinta dalka Imaaraatku Waxay intaas ku dartay in dab ku kacay markab ganacsi oo marayay meel kudhow dekeda Jebel Ali ee Dubai

Qaraxan oo aad uxooganaa wuxuu sababay in guryo badan oo magaalada Dubai ku yaal ay  gilgishaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan difaaca madaniga ayaa sheegaysa in kooxaha dab-damiska ay ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dab ka kacay markab saarnaa Dekedda Jebel Ali.

Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen inaanu jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay dabka ka kacay Qaraxa iyo markabka oo dabkii kakacay Ilaa hadda lala tacaalayo .

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com