SOMALILAND:Tartanka Horyaalka Caasimada Hargeysa Oo La Daah-furtay

Hargeysa (Hayaannews) Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, ayaa maanta Magaalada Hargeysa ka daah-furtay tartanka horyaalada kala duwan ee Caasimada dalka.

Tartankan horyaalka ee Wasaaraddu ay daahfurtay ayaa kala ah, horyaalka koobaad ee kooxaha 0-A-da, magaalada Hargeysa , tartanka horyaalka labaad iyo sidoo kale horyaalka saddexaad oo dhammaantoodba ay ka qayb geli doonaan kooxaha kooxaha kala duwan ee caasimada Hargeysa ka jira.

Munaasibada daahfurka tartanka horyaalada kala duwan ee Caasimada waxa ka soo qaybgalay Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliyiinta xidhiidhka kubada cagta, wasiiro ka tirsan xukuumadda, iyo kooxaha ku tartami doona tartankani la daahfuray.

Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda Somaliland, mudane Boos Mire Maxamed, oo madashaashi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ka wasaaradd ahaan ay ku hawlan yihiin qabashada tartanada iyo tartano kala duwan oo kor loogu qaadayo xirfada ciyaartoyda kala duwan ee dalka “Siyaasada madaxweynaha Somaliland, iyo xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ay tahay mihiimada koobaad, in ciddkasta oo dhallinyaro ahi ay hesho ciyaar ay xaq u leedahay in ay ciyaarto”

Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Cabdirashiid Caydiid Yaasin kana hadlay maraaxilkii ay soomareen ciyaaraha horyaalada kubada cagta ee dalku. “Sannadkii 2007-dii ayaa horyaalkii labaad uu qabsoomay, muddo shan sannadood ah ayaa u dhaxaysay, islamarkaana duruuf adag ayaa lala soo maray, maamulkii xilliga ee kubada cagtu shabaga isaga ayaa xidhayay, isaga ayaa calanka qabanayay, isaga ayaa garsoorka qabanayay, duruuf aad u adag ayay ahayd.

Waxaa aan nasiib u yeeshay in aan noqdo guddoomiyihii xidhiidhka kubada cagta ee 2012 horyaalka noqday, waxaanan nasiib u yeeshay in horyaalkii 2017 aan qabto, maantana nasiib ayaan u yeeshay kan.

Xukuumadda Somaliland ayaan uga mahad celinayaa in dhammaan in kaaniyaadkii loo baahna oo dhan la diyaariyay, waxaana wakhtiga lagu ciyaarayay garoonka oo dhinac ood tahay, oo aan askartu amaanka ilaalinayn, balse maanta roog ayaa yaala.”

Guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ee wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaradaha, Fu’aad Axmed Cali “Halkan waxaa aynu ka furayna saddexdii heer ee caasimada ee naadiyada heerka Qaranka, heerka koobaad, heerka labaad iyo ka saddexaad;.

Waxaana ku xiggi doonta horyaalo sidan oo kale loogu qaban doono gobollada kala duwan ee dalka, tanina waa tii ugu horeysay sidan oo kale ayaa gobollada kale looga soo furi doona haddii ILLAAHEY yidhaaho”

 

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com