SOMALILAND:Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalka Maalintii Saddexaad Ka Socda Magaalada LAASCAANOOD

Ciidamada Qaranka Somaliland-Hayaannews

Hargeysa (Hayaannews)- Maalintii Saddexaad oo xidhiidh ah ayaa dagaal ka socdaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada Qaranka ee Somaliland iyo maleeshiyo-beeleed u dhashay deegaanka oo ka amar-qaata Garaaddada ku sugan magaaladaas.

Dagaalka ayaa bilaabmay subaxnimadii Isniintii dorraad kaddib markii malleeshiyaadku weerar ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka ee ku sugan Laascaanood oo isla maalintaas ay go’aamo ka soo baxeen Shir muddo toddobaad ah magaalada uga socday.

Dagaalkan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac soo kala gaadhay Ciidamada Qaranka, Maleeshiyaadka dagaalamayey iyo dad shacab ah oo wax ku noqday hubka lays weydaarsanayey.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa waxa war qoraala oo ay soo saartay maanta ayaa lagu sheegay in malleeshiyo-beeleed ku sugan magaaladu magaalintii saddexaad weerar ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka Laascaanood, taasina sababtay inuu saaka mar kale dagaal ka dhaco magaalada Laascaanood oo inteeda badan haawanaysa kaddib markii ay dadkii shacabka ahaa ka qaxeen magaalada oo gabbood u noqotay malleeshiyo-beeledd Huwan ah oo isku urursaday.

Ciidamada Qaranka Somaliland-Hayaannews

“Maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ayey Kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhisimada Ciidamada, waxa aanay ciidamadu ku jiraan difaac,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Laascaanood ay ku dhigee gacanta Maxaabiis dagaal oo isugu jirta Argagixiso, Ciidanka PSF ee maamulka Puntland iyo Malayshiyaadka degaanka oo iyaga lagu wareejiyey eheladooda.

aadey Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka SOOL.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Laascaanood, Sool

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com