“Mucaarid Iyo Muxaafid-ba Ha Loo Midoobo Difaaca Qaranka Somaliland Ee Lagu soo duulley” Siyaasi Axmed Cabdalle Digaale.

Hargeysa(Hayaannews):Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in ay garabistaagaan Ciidamada qaranka Somaliland ee maleeshiyadka reeraysan ay dagaalka ku soo qaadeen., isla markaana mucaarid iyo muxaafid-ba loo midoobo difaaca qaranimada Somaalland

Sidaa waxa uu siyaasi Axmed Cabdalle Digaale ku sheegay qoraal ku saxeexan-yahay oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada wararka ee #Hayaannews

Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in ay garabistaagaan Ciidamada qaranka Somaliland  ee jiida hore ee Gobalka Sool ee dagaalka kula jira Kooxo  nabadiidka.

Siyaasiga Axmed Cabdale Digaale ayaa waxa uu soo jeediyay in Mucaarad iyo Muxaafadba  loo midoobo difaaca  qaranka Somaliland  ee duulaanka lagu soo  qaaday.

Axmed Cabdale Digaale ayaa waxa uu ku amaanay Ciidamada qaranka jawaabtii ay ka bixiyeen duulaankii Ciidamada Puntland iyo  Kooxda nabadiidka ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada qaranka ee jiida hore  iyo Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Axmed Cabdale ayaa  waxa uu ku tilmaamay fidmo abuur Garaadadii shirka ku qabsaday Magaalada Laascaanood,waxaana uu ku tilmaamay wax aan soo suuragal ahayn qodobadii Garaadada ka soo saareen  Magaalada Laascaanood in ay ka dhaqangalaan Gobalka Sool.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com