Soomaalida Oo Markii Ugu Horeysay Taariikhda Xildhibaan Ku Yeelatay Gobolka Rhein land-Pfalz Ee Dalka Jarmalka.
October 30, 2019 - Written by admin
“Waxaanu wax
baddan ka caawin doonaa dadka Soomaalida ee aan metelno….Waxaan guul
taariikhiya ka soo hooyay doorashadii Golaha deegaanka oo aan ku soo baxay…”Xildhibaan
XasanJibriil.
Germany(Hayaannews):
Doorashadii Golaha deegaanka ee ka qabsoontay Waddanka Jarmalka taariikhdu
markay ahayd 27.10.2019 ayaa guul u soo hoysay dadka Soomaalida ee degen
Magaalada Landau ee gobolka Rhein land-Pfalz ee dalka Jarmalka, kadib markii
xildhibaanada uu ku soo baxay Xassan Jibriil Xirsi oo ka soo jeeda Somaliland.
Xildhibaankan
Hassan Jibriil Xirsi ayaa waxa uu ku guuleystay natiijada codadka 346-cod,
waxaanu sidaasi ku noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee ay Soomaalidu
yeelato,isaga oo xilkaasi hayn doona muddo shan sanadood ah.
Xildhibaan Xasan
Jibriil Xirsi oo ay shucuurtiisa ka muuqatay farxad baddan ayaa waxay Shabakada
wararka ee Hayaannews waxay ka weydiisay waxa uu u qabanayo dadka Soomaalida ee
doortay, Waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “1. Dhamaan waxaan caawinaynaa dadka
so-galootiga ah ee qaxoontiga sidii ay u dhex geli lahaayeen bulshada Jarmalka.
2. Waxaanu u taaganahay danta dadka iyadoon aanan u eegayn Waddanka uu ka soo jeedo, midabkiisa, iyo Diinta uu aaminsanyahay. 3. Waxaan awooda saarayna sidii bulshada aan Matalno ay qeyb uga noqon lahayd magaalada aan daganahay ee Landau siiba xaga shaqooyinka iyo Waxbarashada. 4.Waxaan ka caawinayna Ardayda Iskuulada bilabaya ee dhibaato ka haysatoluuqada Jarmalka inaan ka Caawino koorasyada oo dheeradna la siiyo.5. Waxa caawinayaa qoysaska aan matalno nidaamka Iskuulka loo dhigo,iyadoo la siin doono talooyin iyo inay aqoonta sii kordhiyaan. 5. In Magaalada Landau ay noqoto Magaalo multikulti ah oo aan la kala lahayn dadkana u siman yihiin xuquuqda aas-aasiga ah ee Bulshada. 6. In dhammaan iskuulada aan sare u qaadno luuqada si ardayda ay u wada fahmaan”.
Xildhibaanka Golaha Deegaanka ee Gobolka Rhein land-PfalzJibriil Xirsi
Gobolka Rhein land-Pfalz magaalada Landau waxa ku tartamay 16 murashax, Waxaana soo baxay sideed Ka mid ah. Doorashadan goloyaasha deegaanka ayaa waxay guud ahaanba ka dhacday dalka jarmalka dhammaantiiba.