SOOMAALIYA: Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Hanti-dhawraha cusub

Muqdisho(Hayaannews): Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansxiyey in Abuukaate Axmed Ciise Guutaale uu noqdo hanti-dhawraha guud ee qaranka, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyey xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Axmed Ciise Guutaale ayaa beddelaya Maxamed Cali Afgooye oo xilkan hayey tan iyo 3-dii bishii August 2017, markaasi oo ay magacaabeen golaha wasiirada.

“Hanti-dhowrka cusub ayaa aqoon durugsan u leh arrimaha sharciga, waxuuna horay u soo noqday Lataliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza.

Hanti dhowraha cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise-Hayaannews

Axmed Ciise Guutaale aya a sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo Hay’ado warbaahineed wuxuuna madax ka ahaa waraabinta Mustaqbal Media. Guutaale ayaa bartay sharciga.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com