“Waxaanu Hayna Maxaabiis Al-SHABAAB Iyo Puntland Ah….” Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud.

Somaliland Withdraws Recognition Of Somalia

Hargeysa(Hayaanews) – Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay hayso maxaabiis ka tirsan  xarakada Al-Shabaab iyo maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya kuwaas oo ay ku qabatay dagaalkii ka socday magaalada LAASCAANOOD.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga Dr. Ciise Kayd Mohamuud oo maalintii shalay u sheegay BBC News

“Waxaanu hayna maxaabiis Al Shabaab ah, maxaabiis Puntland ah, waxay soo weerareen xeryaha millateriga, waxaananu u diyaar nahay in aanu usoo bandhigno beesha caalamka” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimahada Dibada Ciise Kayd Maxamuud.

Mar uu Wasiirku ka hadlayay cida ay ciidamada qaranka Somaliland kula dagaalamayaan Magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu yidhi “Ma jiro dagaal u dhexeeya dadka reer Laascaanood iyo ciidanka Somaliland, waxa jira maleeshiyaad gacan saar la leh Al Shabaab”.

Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Siciid Xasan Habbane ayaa  sheegay inaanu jirin adeegyo ay xukuumaddu ka goysay magaalada Laascaanood ama duqaymo ay u gaysatay goobaha Caafimaadka iyo masaajidda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga Dr. Ciise Keyd Maxamuud-Hayaannews

Sidaa waxa uu ku sheegay mar uu maanta la hadlayay qaar ka mida warbaahinta  Somailand

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com