“Taariikhda uruuriya Haddii ka Nooli Maanta Taariikh Waayo kii Geeriyoodayna Taariikh Heli Maayo,…” Mujaahid Axmed Mirre


Hargeysa(Hayaannews): Mujaahid Axmed Mirre ayaa ku baaqay in taariikhda la uruuriyo, isaga oo ku dooday haddii ka nooli uu taariikh waayo kii geeriyoodayna taariikh heli-maayo.

“Taariikhda uruuriya, waar taariikhdeena ilaaliya, haddii ka nooli maanta taariikh waayo kii geeriyoodayna taariikh heli maayo, ubadkii aynu dhalnay ee soo korayeyna taariikh heli maayaan. Taariikhdu waa qori isu dhiib, jiilba inuu jiilka kale xasuusiyo ayaa loo baahan yahay” Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo ka hadlayay Munaasibadii duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) guddoonsiiyey billad-sharafta ugu weyn ee maamuuska qaranka Somaliland lagu bixiyo, Baasaboorka Somaliland oo Diblomaasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyahay oo looga binayn doono dhisme guri isaga u gaar ah.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Mujaahid Axmed Mirre

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayannewssoma@gmail.com