“Waa In La joojiyO Qabyaalada Iyo Dadka La Isku Dirayo…..” Guddomiyaha Urur-Siyaasadeedka HILAAC Prof Samatar

Hargeysa (Hayaannews) Guddoomiyaha urur-Siyaasadeedka HILAAC Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ku baaqay in laga waantoobo hadalada qabyaalada iyo xanafta leh ee dadka lagu kala qaybinayo.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu sheegay in uu ka walaac sanyahay dagaalka ku dhex maraya Magaalada Laascaanood Ciidamada Somaliland iyo Kooxo shuftada iyo argogixisada ah, waxaana uu intaasi ku daray in shacabka Somaliland ay yihiin dad ehela oo aan meelna kala tagay.

Prof.Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa uu tilmaamay in ay Somaliland wax badan qabsatay intii ay jirtay, waxaana uu yidhi "Somaliland wax badan ayay soo qabsatay soddonka sannadood ee ay jirtay.siyaasadda Soomaaliya taala ee ah in ay isku soo noqdaan Somaliland iyo Soomaaliya waa mid aan gun lahany oo daloosha. Somaliland xornimadeeda waxa ay la soo noqotay 18-kii May 1991-kii oo reer Somaliland u dhamaayeen. sida laysku xukumayo taariikh ayay leedahay waxaana reer Somaliland u taala in laga dhabeeyo la soo noqoshada Somaliland.”

Prof Axmed ismaaciil Samatar-Hayaannews

Prof. Axmed Ismaaciil waxa kale oo uu intaasi ku daray "Werwer iyo walaac ayuu nagu hayaa arimahan Laascaanood wax la sahlado maaha, xalkeedana waa in si cilmiyaysan loo galo waana in la joojiyo qabyaalada dadka isku walaalaha isku diraysa, waxa aynu nahay dad ehela oo aan meelna kala tagan. waxaana qof walba ku waajiba in uu wanaaga ka fikiro”