SOMALILAND: Wasaaradda Waxbarashada Oo Diyaarisay Qorshaha Waxbashada Ee Shanta Sanno Ee Soo Socda 2023 ilaa 2028

Hargeysa (Hayaannews):Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toono) ayaa soo gaba-gabeeyay shir-weyne ku saabsanaa qorshaha waxbashada Somaliland ee shanta sanno ee soo socda.

Shirkaas oo socday muddo saddex maal-mood ah waxa hadal ka jeediyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Cabdirisaaq Jaamac Nuur, waxaanuu u mahad-celiyay dalalka qaadhaan bixiyeyaasha ah ee wasaaradda waxbarashada ka taageera dhanka dhaqaalaha, waxaanuu tilmaamay in shirkaasi muddadii uu socday lagu gorfeeyay arrimo la xidhiidha horumarinta waxbarashada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Cabdixakiin Siciid Muuse oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in shirkaas lagu gorfeeyay arrimaha caqabadaha ah ee haysta waxbarashada Somaliland iyo sidii looga gudbilahaa.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxayaa sheegay in ujeedada shirkaasi ahayd in dib loo eego marxaladihii ay soo martay waxbarashada Somaliland, halka ay maanta taagan tahay iyo halka la rabo in ay gaadho shanta sanno ee soo socota.

Axmed Maxamed Diiriye Toono asiirka wasaaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland waxa uu u mahadceliyay cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida shirkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin xubno ka yimi dalka dibadiisa, kaalina ka qaatay diyaarinta qorshahaas shanta sanno ee waxbarashada Somaliland.