“Waa Wareegto Adduun” Waa Hees Ay Ku wada Hadlayaan Xisbiga Xisbiga KULIYE iyo Taageerayaashiisi

Hargeysa(Hayaannews: Heestan la yidhaahdo “Wajiyaal is xasuustaa” oo uu curiyey Abwaan Axmed Saleebaan Bidde,isla markaana ay ku luuqeeyaan Alle ha u naxariiste Kinsi Xaaji Adan (AHUN) iyo Xarago.

Midhaha Heestan waxa aynu ku dabaqi doonaa wacdarrihii kala qabsaday Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Taageerayaashiisii ka siibtay,kadib markii uu uu Madaxweyne Muuse Biixi uu yidhi “Fartiina ayeydun eersan doontaan”. Sidaas iyo Akhris iyo wada dhageysi wadaagsan .

Beydka Hore waxa qaadaya Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waakan ee dhageysi iyo akhris wanaagsan.

Wajiyaal is xasuustaa, is xasuustaa

Indha aan kala waarin

Laba aan isba waayin

Laba aan kala weecan

Wadnayaal is jeclaada

Wedku daayo oo raagga

Oo wadeeco asqeynin

Oo wadaaga xannaano

Innagaa ku wacneynee

Maxaad iiga wareegtey.

Beydka Labaadna waxa qaadaya Taageerayaashii Xisbiga KULMIYE, oo ku luuqaynaya sidan.

Sida waaxyaha jiidhka, waaxyaha Jiidhka

Wadnaha iyo beerka

Halbawlaha is waraabshan

U wadaagney jacayl

Markuu kaaga waraaqshey

Eey waddeeca ku taabtey

Inaan kaaga wareego

Waaqle kaaga dhaqaaqo

Haddii uu wakhti keenay

Nin wax saarle miyaan ahay

Haddii uu wakhti keenay

Nin wax saarle miyaan ahay annigu

Beydka saddexaad waxa qaadaya Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waakan ee dhageysi iyo akhris wanaagsan.

Walbahaarka jacaylka, Ka jacaylkaa

Sida weyraxa geeloo

Ilmaha ugu wareegaan

Kugu weehanayaaye

Haddii aad wakineyso

Ood ka wiiqan tahay dhuuxa

Wadhi caashaq ku raacdey

Warka maan ka dhigeene

Inagaa isku wacneyne

Maxaad iiga wareegtay

Beydka Afaraad waxa qaadaya Taageerayaashii Xisbiga KULMIYE, oo ku luuqaynaya sidan.

Wiyiisha ubadkeeda, Ubadkeedaa

Waxa jooga adduun

Iyadaa ula wanaagsan

Kolka waayuhu liicsho

Dani ay ka wadaayee

Haddii aynu isweyno

Walaac waa ku dilaayoo

Waa wareegto adduunku

Haddii uu wakhti keeney

Nin wax saarle miyaan ahay

Haddii uu wakhti keeney

Nin wax saarle miyaan ahay annigu

 HALKAN HOOSE KA DAAWO HEESTAN 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com