“Waxaa Dhacayaa Waa Bilawgii Qorshaha Madaxwaynaha Ee Muddo Koradhsiga..”Xoghayaha WADDANI.

Hargeysa(Hayaannews); Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen ayaa ku tilmaamay arrinta ka aloosan Golaha Wakiillada Somaliland inay tahay bilowga qorshaha madaxweyne Biixi ee muddo korodhsiga.

Sidaa waxa u uku sheegay Xoghaye Khadar qoraal koobaan oo uu soo saaray oo ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews

“Dooddu kuma saabsana ururo hala furo iyo yaan la furun. Cid diidan marka xiligoodi la gaadho ururada ma jirto.”Ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“ Laakiin waxaa aynu aragno ee maanta ilaa shalay dhacayaa waa bilawgii qorshaha madaxwaynaha ee mudo koradhsiga cidkasta oo Somaliland jecel oo ay run ka tahay waa inay u diyaar garawdaa sidii korodhsiimadaas looga hor iman lahaa.”

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib, Buuq iyo sawaxan uu ka dhashay fadhigii Gollaha Wakiilada Somaliland ee maanta ka dib markii la taliyaha sharciga ee golluhu uu sheegay inuu burray mooshin ay shalay shir gudoonka u soo gudbiyeen Xildhibaanno.

Buuqan ayaa sababay inay xarunta golaha la keeno ciidamada Booliiska

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com