“Waxaan Ahay Qof Garanay Wuxuu Shalay Ahaa iyo Cida Aniga Wax Iga Ka Dhigtey Ee U Hiilisay”  Xildhibaan Axmed Khaliif Jaamac

Xildhibaan-Axmedkhaliif-Jaamac-Hayaannews

Halkii aad Shalay Katimid Hadaad Ilowdo oo aadan Garan waydo,Halka Barri Loo socdana Garan maysid

Hargeysa(Hayaannews): Xildhibaan Axmed Khaliif Jaamac oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Amaan iyo mahad-naq kala dul kufay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Fasal Cali Waraabe oo uu sheegay inuu yahay macalinkii barey Siyaasadda ee ka dameeyey inuu noqdo Xildhibaan qaran.

Xildhibaan Axmed Khaliif oo sharaxaad ka bixinaya qaabkii uu ku soo galay masraxa siyaasadda Somaliland iyo cidda siisay fursada  inuu noqdo Xildhibaan qaran waxa uu yidhi

“Halkii aad Shalay Katimid Hadaad Ilowdo oo aadan Garan waydo , Halka Barri Loo socdana Garan maysid

Ilaahay Baa Mahad oo Dhami Usugnaatay , Laba sano kahor oo Taarikhdu ahayd 23/02/2021, waxay ahayd Maalintii uu Xisbiga Ucid ii Qaatay iina Ii ogolaaday Inaan  Noqdo Musharax Utartamaya Doorashadii Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ee Dhacday 31 May 2021

Waxay Maalintaas ahayd Maalin aan Baahi wayn Uqabay inaan  Helo  Jaanis iyo Fursad Siyaasadeed kii aan salaanka siyaasada kasoo gali lahaa ,Si aan ugu shaqeeyo  Qaranka iyo Shacabka Danyarta ah ee ubaahan in codkooda aan meel fog gaadhi karin ama aan la maqli karin inaan codkooda ku hadla oo iyaga u adeego una shaqeeyo.

Waxay ahayd Maalin ay Adkeyd in  Qof dhalinyaro ah oo sidayda Siyaasada ku cusub (Fresh Politian)  oo aan cidna aqoonin, oo aan  Heysan Salaadin waa wayn  iyo Siyaasiyiin Degaankiisa ah iyo Ganacsato dhiseysa ama maalgalisa  aan heysan oo aan wadan,  Xitaa saamayn iyo magac toona kulahayn dadka iyo  degeenka uu rabo inuu iska sharaxo, Waxa ugu Wayn ee aan Hayayna uu ahaa Damac siyaasi ah iyo Dream aan ku haminayay Inaan Mar un Qaranka Ushaqeeeyo.

Ilaahay kasakoow Waxaa Mahadaas iyo Abaalkaas aan Huyaaa Dhamaan Madaxda  Xisbigeyga Ucid oo uu Ugu horeeeya Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ,oo ah Ninka Jaaniska aan siyaasada kusoo galay isiiyey iina hiiliyey Ina aaminay Kuna Dhiiraday Qof aniga oo kale ah oo siyaasada kucusub inuu xisbigaas wayn uu ka sharaxo.Iyadoo ay Buuxeen Rag badan oo damac lahaa oo wax walba markaas haystay ,haday garab iyo Gaashaanba Tahay .

Mudane Gudoomye aad baad umahadsan tahay Waanan kuu Mahad Celinayaa Mana Ilaabi doono Abaalkas aad ii gashay ,iyo Sida aad ii aamintay iina Ogolaatay Inaan kusoo biro Xisbiga Ucid

Hadafkeygu muu ahayn inaan Xisbiga Ucid uga  Mid Noqdo  inaan kadhigto salaankii aan kugaadhi lahaaa inaan Xildhibaan Noqdo oo  Musharaxnimo kaliya kadoonto oo aan xildhibaanimo darteed siaan uhelo, kadibna markan danteyda ka gaadho aan iskaga tago, ee Si dhab ah oo mabdi iyan ah inaan uga mid noqdo Ayaan usoo galay.oo xubin xisbiga ah aan noqdo. Ilaa hadana aan uga mid ahay xisbiga ucid . Inta uu Xisbiga Ucid uu jiri doonaana aan xisbigeyga  meelna aan uga tagi doonin .

Waxaan ahay Qof Garanaya Waxuu shalay ahaa iyo Cida isaga wax ka dhigtay ee  u hiilisay , Isla markaana aan Aqoon Kudaneysiga Siysaada, Cid kasta oo Maalin ii hiilisayna garanaya waxay ka mudan tahay .

Xildhibaan-Axmedkhaliif-Jaamac-Hayaannews

Ugu Damayn Waxaan aad ugu Faraxsanahay Inaan xisbiga Ucid laba Sano kahor aan kubiiray anigoo aan cidna iga aqoon xisbiga Ucid , DHexdiisana wax saameyn ah aan kulahayn .. laakin maanta aan kamid ahay dadka xisbigaas loogu ixtiraamka iyo Qadarinta badan yahay , isla markaana Kuwa loogu jecel yahayna aan kamid ahay ee Magaca iyo Miisankaba xisbigiisa dhexdiisa kuleh. Isla markaasna kamid ah  Guddiga fulinta ee xisbiga Ucid

Abaal Nin Galaa Badan, Nin Gudaase Yar  . Hanoolaado Xisbiga UCID”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com