“Waxgaradka Reer Muqdisho Wey Ogsoon-yihiin In  Dadka Somaliland Ka Soo jeeda Ee Ka Qayb galaya Doorashooyinka Soomaalia Aaney Cidna Metelin” MadaxweyneMuuse Biixi

Madaxweyne Biixi Oo Waalli Ku Tilmaamay In Dadka Reer#Somaliland ka qayb-galaan Doorashooyinka #Soomaaliya

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay iftiimiyey  mowqifka Dowladda Somaliland ee ku waajahan siyaasiyiinta u dhashey Somaliland ee aaminsan fikirka Soomaaliweyn ee ka soo horjeeda Qadiyadda gooni isu-taaga Somaliland,isaga oo caddeeyey in aaney cidna metelin  xildhibaanada Somaliland ee ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaalia.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qaybgaley xaflad loo sameeyey qalinjebinta dufacada koowaad ee ardeyda dhameysatey barashada Distoorka iyo Wadaniyada Somaliland ayaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu si gaara diirada  ugu saarey Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka haya xilalka Dowladda Federaalka Somalia kuwaas oo uu sheegay in aaney metelin Somaliland ,balse, yihiin dad iskood ugu shaqo tegay Xamar oo yidhi “waxaanu matalayna Somaliland”.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isaga oo u duur xulaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, gaar ahaan Xildh.Foosiya Yuusuf Xaji Aadan Qabille oo ka mid ah Musharaxiinta  u tartameysa Doorashada Madaxweynaha Somalia 15 Mzy 2022 ayaa yiri; ” Waxay nacasnimo haysataz dadka u dhashey  Somaliland ee halkan ( Somaliland) magac ku lahaa ee qaarkood wax ka aasaaseen jazmacadan, ee aabayaashood magac iyo taariikh halkan ku lahaayeen ee intey tageen Xamar yidhi waxaanu Matalayna Somaliland oo baarlamaanka ayaanu doonayna oo waanu Codaynayna”.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa kale oo uu sheegay in ay ogyihiin dadka waxgaradka ah ee reer Muqdisho siyaasiyiinta Somaliland ee ka qaybgaleya Doorashooyinka aaney cidna metelin. Isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yiri:  “Xamar intaas oo caalim ayaa joogta, oo  akhriyaya diinta, xadiiska ,intaana wanaaga la is farayaa oo aqoon.leeyahay,haddana kaas ( Xildhibaanada Somaliland) dhaariyey.” Waxana uu intaas raaciyey oo tilmaamey in ay isku mid yihiin ergadii dooratey xildhibaanada Somaliland iyo ninka ogolaadey ee doonaya inuu ka taliyo masiirkiisa. ” Waa dameer iyo labadiisii dan oo waxba isma dhaamaan..Ka dooranaya iyo ka uu codka siinayaaba waxay ogyihiin ninka Somaliland ka taga ee Baarlamaanka galayaa in aanu cidna matalin”..

Ugu danbeyn, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka sii afeeftey oo sheegay in aaney u eersan doonin  Somaliland wixii dhibaato ka soo gaadha xildhibaanadaas  Doorashada oo odhan doonin Somaliland ayaa wax na yeeshay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com