Weftigii Uu Hogaaminayay Madaxweyne Biixi Oo Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Ethiopia DAAWO SAWIRADAN
February 20, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa(Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis
Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka
tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda
Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha
dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u
qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka
Itoobiya.
Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare
ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa,
iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha
dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.