Xukuumadda Somaliland Oo Dalka Ka Mamnuucay Isticmaalka Adeegga Tignoolajiga Lacagaha Ee IXBET

Dowladda Somaliland oo shaacisay inay ka Mamnuucday dalka isticmaalka Barnaamijka “1XBET” ( Khamaar lagu Ciyaaro Hab-Online)

Hargeysa(Hayaannews): Dowladda Somaliland ayaa ka mamnuucday guud ahaan dalka isticmaalka barnaamijka “1XBET”, oo ah khamaar lagu ciyaaro hab Online ah laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 February 2023.

Sidaana waxa shaaca ka qaadey War-saxaafadeed uu soo saarey maanta  Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Dr. Cali Cabdullaahi Daahir oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka Hayaannews

War-saxaafadeedku waxaa uu ku war-geliyey bulshada reer Somaliland in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan cidii lagu qabto iyada oo ku jirta ama cid kale lacag kaga urursaneysa Barnaamijka “1XBET” oo la nooc ah barnaamijkii la odhan jirey “JIIF OO JAQ”.

Daraasad Baanka Dhexe ka diyaarisay barnaamijka 1XBET ayaa lagu caddeeyey inuu yahay barnaamij khamaar la nooc ah “Jiif oo Jaq”, isla markaana aanay jirin shirkaddo sharci ah oo la maal-gashanayo.

Sidoo kale qoraalka Baanka Dhexe ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka soo saartay fatwo 11 February 2023, nuxurkeedu ahaa in 1XBET yahay barnaamij khamaar la nooc ah jiif oo jaq.

Warsaxafadeedkani, qoraalkan ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15 February 2023 maanta barnaamijka 1XBET mamnuuc ka yahay in dalka gudahiisa lagu isticmaalo, laguna wargeliyey bulshada in talaabo sharci laga qaadi doono ciddii lagu arko adeegsigiisa.

War-saxaafadeedkaas oo faah-faahsan ayaa u dhignaa sidan:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com