SOMALILAND Oo Laga Daah-furay Carwadii 10aad Ee Ganacsi Iyo Waxyaabaha Ku Cusub Sannadkan 2023

Hargeysa(Hayaannew); Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daah-furay  bandhiga Carwada 10aad ee Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland

Carwo ganacsiyeedkan sannadkan 20203 ayaa lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxa soo qaban-qaabisay Rugta ganacsiga Somaliland,isla markaana waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin,Waiirka horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Marwo Amina Cilmi Farid,Ergeyga gaarka ah Ee Wada Hadallada Somaliland Iyo Soomaalia Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Ganacsato, dhammaan Wershadleyda dalka, iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO