Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eedeymo Ka Dhashay Cafiskii Madaxweyne Biixi Uu U Fidiyay Maxamed Cumar Carte
October 26, 2020 - Written by admin
Hargeysa (Hayaannews)-
Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal heyn ka dhalatay cafiskii madaxweynaha
Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee
Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.
Qoraal uu soo saaray afhayeenka Wasaarradda Warfaafinta
Somaliland Cabdullaahi Aadan Cumar ayaa lagu sheegay in qofka kasta oo reer Somaliland ah oo ka
tanaasula fikirkiisii hore ee uu aaminsanaa iyo ka mid ahaashaha Dowladda
Federaalka Soomaaliya uu xaq u leeyahay sida uu hadalka u dhigay in uu helo
cafis iyo in uu deegaannadiisii dib ugu soo laaban karo.
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhaliilay habka loo
maray cafiska Maxamed Cumar Carte iyaga oo ka digay imaashiyahiisa Somaliland,
sidoo kale waxaa arintan siyaabo kala duwan uga hadlay siyaasiyiin caan ah oo
reer Somaliland ah.
Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maxamed Cumar Carte
oo la xiriira tagistiisa magaalada Hargeysa in uu isaga baxay ka mid
ahaansha Dowladda Federaalka Soomaaliya.