Xulalka Gobollada Gabiley iyo Sool Oo Ciyaar Dhexmartay Isla Dhaafi Waayay Barbar-dhac

Hargeysa(Hayaannews):Labada xul ee gobollada Gabiley iyo Sool ayaa galabta isku haleelay ciyaar ka mid ah Tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ee ka socda garoonka kubadda cagta ee magaalada Hargeysa.

Labadan oo ka mid ah hormoodka kubadda cagta gobollada dalka ayaa ciyaartooda waxa muuqatay iska caabin ay labada dhinacba midba midka kale waxaanay inta badan isku qaadayeen weeraro cajiib ah, iyadoo xulka gobolka Gabiley mid ka mid ah weeraryahanadeedu uu bilawgii ciyaartaba kubad halis birta ugu dhuftay gool-hayaha xulka gobolka Sool oo isaga la odhan karo waxa uu ciyaartoygii garoonka ugu wanaagsanaa marka loo eego inta kubaddood ee uu ka badbaadiyay kooxdiisa.

Ciyaartan ayaa 90-kii daqiiqadood ee ay socotayba aan wax gool ah la iska dhalin waxaanay ku dhamaatay eber iyo eber ay ku kala carraabeen labada xul ee Gabiley iyo Sool.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayannewssoma@gmail.com