Ciyaaryahanka Achraf Hakimi Oo Lagu Soo Oogay Dacwad Kufsi  

Ciyaaryahanka Achraf Hakimi Oo Lagu Soo Oogay Dacwad Kufsi  

PARIS(Hayaannews): Difaaca Kooxda Paris Saint-Germain iyo dalka Morocco Achraf Hakimi ayaa lagu soo oogay dacwad kufsi, waxaa sidaas maanta AFP u sheegay dacwad-oogayaasha Faransiiska.

Hakimi, oo 24 jir ah, ayaa waxaa Khamiistii su’aalo weydiiyey dacwad-oogayaasha, kuwaas oo la xiriiray eedeymo ka yimid haweeney 24 jir ah, waxaana kadib lagu soo oogay dacwad.

Ciyaaryahanka ku dhashay magaalada Madrid, ayaa muhiim u ahaa dadaalkii taariikhiga ahaa ee Morocco ay ku gaadhay semifinal-ka Koobkii Adduunka ee sanadkii tegay lagu qabtay dalka Qatar.

Waxaa saaka lagu arkayey tababarka kooxda PSG. Afhayeen u hadlay PSG ayaa sheegay in kooxda “ay taageero siineyso” Hakimi ayna “ku kalsoon tahay nidaamka cadaaladda.

Qareenka ciyaaryahanka ayaa sheegay in Hakimi “uu si xooggan u beeninayo dhammaan eedeymaha ka dhanka ah,” isla markaana uu yahay dhibbanaha “isku daygaa.

Hakimi ayaa lagu eedeeyey inuu haweeneyda eedeysay siiyey lacag si ay gurigiisa ugu soo safarto, xilli xaaskiisa iyo caruurtiisa ay dalxiis ku maqnaayeen.

Hakimi ayaa Isniintii ka qeyb-galay xafladda FIFA Best oo lagu qabtay Paris, waxaana uu ka mid noqday liiska FIFPro ee 11-ka xiddig ee sanadka.

Ciyaarihii Koobka Adduunka ee Qatar, Hakimi wuxuu laf-dhabar u ahaa xulka Morocco oo noqday kii ugu horreeyey ee Carab iyo Afrikaan ah ee abid gaara afar dhammadka Koobka Adduunka.

Ciyaaryahanka Achraf Hakimi Oo Lagu Soo Oogay Dacwad Kufsi

Sida uu qabo sharciga Faransiiska, in dacwad lagugu soo oogo lagama maarmaan kama dhigeyso in kiiska uu maxkamad gaari doono.

AFP