Ugaaska Guud ee Beelaha CIISE Oo Ku Eedeyey Dowladda Federaalka Itoobiya iney ka Dambeyso Baro kicinta Dadka Gobolka SITI

Ugaaska guud ee beelaha Ciise , Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim

Diridhaba(Hayaannews): Ugaaska guud ee beelaha Ciise , Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka Itoobiya  iney ka dambeyso qorshaha lagaga rarayo dadka ka soo jeeda  beesha Ciise deegaanadooda  Gobolka Site oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia, si ay ugu xalaaleeyso  qoomiyada Canfarta dhul  aysan lahayn oo ka baxsan  kililkooda.

Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo farta ku fiiqaya cida ka riixeysa dabada hirgelinta qorshahaas ayaa sheegay inuu yahay taliyaha guud ee Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka itoobiya, iwaxana uu xusey inuu hayo cadeymo muujinaya farogelinta dowlada Itoobiya ku hayso deegaanada beel weynta Ciise ee Gobolka Siti.

Isaga oo ugu baaqey dhamaan bulshada Gobolada dowlad degaanka Somalida ee Itoobiya  iney u midoobaan difaaca dhulka  la boobayo ee Gobolka Siti , islamarkaana u soo jeediyey qoomiyada Somalida inay abaabulaan banaanbaxyo shacab si ay u muujiyaan Dareenkooda iney ka soo horjeedaan damaca  Canfarta  iyo qorshaha dhagareysan ee Dowladda Federaalka itoobiya ku badhi taareyso dhaca iyo boobka lagu hayo dhulka iyo hantida dadka Somalida ee DDS.

Ugaaska guud ee beelaha Ciise , Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim

Ugaaska guud ee beelaha Ciise oo Saxaafada u mariyey dhaliilo kulul  Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa hadalkiisa ku bilaabey sidan ;