Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Geeriyooday, Bahda Hayaannews Oo Tacsiyadeysay.


Jigjiga(Hayaannews): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta ku geeriyooday magaalo madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga.

Cali Khaliif Galaydh ayaa hore u soo noqday Ra’iisalwasaaraha dawladda Soomaaliya sannadkii 2000, sidaas oo kale wuxuu soo noqday madaxweynihii Khaatumo State oo mar laga dhisay gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Cali Khaliif Galayr ayaa ra’iisul wasaare ka ahaa dowladdii ku-meel gaadhka ahayd ee madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad, intii u dhaxeysay October 8, 2000 illaa October 28, 2001.

Cali Khaliif Galayr waxa uu 15-kii October 1941-kii ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Galayr ayaa waxbarashadiisa heerka jaamacaeed ku qaatay dalka Mareykanka, isaga oo shahaadada bachelor-ka ee culuumta siyaasadda ka qaatay Jaamacadda Boston University 1965-kii.

Waxa uu sidoo kale shahaadada Master-ka ee maamulka dadweynaha (M.P.A) iyo tan PhD ka qaatay Jaamacadda Syracuse ee gobolka New York.

Marxuum Cali Khaliif Galaydh ayaa ku dhashay Laascaanood qiyaastii 1941-dii, isagoo ku geeriyooday da’ada 78-sano jir.

Lama oga waxa sababay geeridiisa, balse waxa la sheegay inuu maal-mihii ugu dambeeyay howlo caafimaad u joogay magaalada Jigjiga.

Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) iyo dhammaan hawl-wadeenada ka hawlgalaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Khaliif Galaydh oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 8.10.2020 ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Ethiopia Jigjiga.

Marxuumka ILAAHAY ha u naxariisto dhammaanteena samir iyo iimaan saadiqa ha innaga siiyo.

Taariikh Nololeedka Marxuum Cali Khaliif Galaydh ayaa waxay u dhignayd

Bisha #Octoobar iyo qaybta ugu muhiimsan Taariikhda Marxuum Dr. Cali Khaliif Galaydh.

October 1941– October 2020. 15-kii-October- 1941 = ayuu ku dhashay Laascaanood. 8-dii–October-2000 = Ra’iisal Waasare ayuu Noqday.28-kii-October-2001 = ayuu ka degay xilkaas21-kii -October -2017 = Somaliland ayuu la heshiiyay.8–October-2020 (maanta) = Wuu ku dhintay jigjiga.Waa qayb ka mid ah taariikhda Siyaasigaasi caanka ah ee geeriyooday oo ay ku lamaantahay bisha October.

Aamiin…………………..Aamiin………………………..Aamiin

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewssom@gmail.com