Afriki Waxay Laysaa Ubaxeeda SHEEKHO!

Qoraaga Ken-Saro-Wiwa-Hayaannews

Gacaliso Zole,

Shaki la‘aan, waxaad la shaamareeri doontaa in warqaddani ku soo gaadho. Balse, aniga oo aan ku macasalaamayn waan ka tegi kari waayey adduunkaagan quruxda badan, kaas oo lagugu xukumay inaad ku noolaato. Waan ogahay in dadka qaar dareenkayga u arki karaan mid malaayacni ah, sida asxaabtayda Sazan iyo Jimba, wakhtiyadayadii ugu wanaagsanaa waxaannu gaadhnay laba ama saddex wiig ka hor. Hasayeeshee, waxay warqaddani iiga dhigan tahay dabbaaldeg, sagootin jacayl, iyo astaan oo marka laga tago xirfaddayda iyo berri subax, aanan haysan wax badan oo aan dhawrtaa.Sababta oo ah waxaan had iyo jeer aad u qiimeeyaa waqtiyo badan oo farxadeed oo aynu ku soo qaadannay dhallinyarnimadeennii, markii dunidu cusbayd ee kalluunka ku dabbaalan jiray balliyada dahabka ah. Kalgacalkii aynu berigaa wadaagnay, waxaan ka helay farxad, nasasho dhab ah, iyo gabbaad aan ka galay duufaanno badan oo gilgiley noloshaydan kooban. Mar kasta oo aan keli noqdo, iyo mar kasta oo khilaafaad iyo xanuunno i rabshaan waxaan xalka la kaashadaa jacaylkaaga oo i dejiya ina dhiirrigeliya. Waxaa laga yaabaa inaad arrinkan la amakaagtid, adiga oo rumaysan in jacaylkani aanu hanaqaadin, lagana yaabo inaad i illowday, maadaama aanad i arag toban sanno. Sidii aan weligayba kuu xasuusnaan jiray ayaan weli kuu xasuustaa, waana arrin suuragal ah inaan caawa warqad kuu soo qoro, si aan ixsaan yar kuu wayddiisto. Balse waxaa xusid mudan in xogta aan kuu qiranayaa ay berri iiga dhigi doonto maalin farxadeed oo i xiiso gelisa, maadaama kumannaan qof goobjoog ka noqon doonaan.

Waan hubaa in warqaddani ku soo gaadhi doonto, sababta oo ah waxaan waardiyaha xabsiga ku siiyey laaluush badan. Run ahaantii, ka hor inta aan nala toogan waa inuu annaga na ilaaliyaa. Balse, waa ku xukuman yahay, sida dadka kalaba ugu xukuman yihiin, in uu noolaado iyo in uu qaato kaalintii looga xilsaaray cadaabtaada adduunyo.

Waan garowsanahay inuu ka daalay noloshiisii madoobayd ee aan la fahmi karayn oo uu gudanayo shaqadiisii xaqirnayd ee uu ka kasban jiray gunnada yar iyo laaluushka uu ugu talaggalay sannaddada badan ee soo socda. Waan ka naxaa jaahilnimadiisa, kamana hinaasi karo hankiisa. Isaga oo ay jeebka ugu jiraan warqaddan iyo laaluushkaygii ayuu subaxnimada berri noo yeedhi doonaa: Sazan, Jimba iyo aniga. Sidii caadada u ahayd, wuxuu khaldi doonaa magacyadayada: badiyaa wuxuu Sazan ugu yeedhaa “Sajim”, Jimba–na wuxuu u yaqaannaa “Samba”. Laakiin taasi micno ma leh. Waannu raaci doonnaa, intaannu ku sii soconno goobta toogashadana waxaannu ku qosli doonnaa dammannaantiisa—doqonnimadiisa caddaanka ah. Si la mid ah sida aannu uga maadsanno tuugga kale—Garsooraha Maxkamadda Sare.

Waxaan filayaa inaad adiguna, sidoo kale, waraaqahaa aragtay. Waannu akhrinnay wargayskaas oo waxaa nuqulka lagu faafiyey warbixintaa noo soo diray saaxiibkayaga laaluushqaataha ah. Haddii aanay ahayn ummad bilaa dareen ah, oo ay ka mid yihiin qaar caadaystay xumaanta oo ku raaxaysta dhimashada dadka, waxaa la is wayddiin lahaa su’aalo badan. Shaki la’aan, dad badan ayaa su’aalahaa is wayddiin doona, balse waxay isku wayddiin doonaan, iyaga oo ku raaxaysanaya guryahooda ammaanka ah, isla markaana, si aan kala joogsi lahayn u cabbaya dhalooyin biir ah, si aan la fahmaynna u daawanaya barnaamijyada telefishannada ee madhaxa ah, kuwaas oo laga diiday Yurub iyo Maraykanka, ee loogu soo waariday inay maskaxahooda madhan ugu buuxiyaan. Waxay damiirkooda ku qaboojin doonaan quraarado kale oo biir ah, sidoo kalana, waxay dhuuntooda kaga dhaqdhaqi doonaan jawaabaha, waxayna liqi doonaan su’aalaha, damiirka iyo jawaabaha waxaa jaangoyn doona wasakhda maraysa bulaacadahooda furan ee ay ka buuxaan qashinka iyo qaaca ribta ah. Wayna illaawi doonaan.

Qoraaga Ken-Saro-Wiwa-Hayaannews

Si kastaba ha ahaato e, waan hubaa in Garsooraha Maxkamadda Sare qudhiisu aanu weligii illaawaynin. Waa inuu weligii xasuusnaadaa. Sababta oo ah, si dhow ayaan subaxii ugu horreeyey u daawanayey. Ma qeexi karo anfariirka iyo shakiga ka muuqdey wejigiisa. Muraayadihii indhaha ayaa miiskiisa kaga dhacay, waxaana ku adkaatay inuu xasilloonidiisa dib u soo ceshado. Waxay ahayd markii koowaad ee uu noloshiisa la kulmo dad maxkamad la soo taagay oo lagu soo oogay denbi qirashadiisu tahay dil oo maxkamadda horteedii ka qiranaya denbi, isla markaana dalbanaya in xukunka iyo toogashadaba loo dedejiyo.

Aniga, Sazan iyo Jimba si taxaddar leh ayaannu ugu celcelinnay. Intii lagu jiray bilihii rummaanka ahaa ee dacwad-oogayaashu diyaarsanayeen kiiskooda, waxaannu ku heshiinnay in aannaan oggolaan maxkamadayn dheer ama suuragalnimo kasta oo ay noogu ridi karaan xukunno kala geddisan: inay mid xorriyaddiisa u celiyaan, midna xabsi daa‘in ku xukumaan, ka saddexaadna inay ku fuliyaan dil toogasho ah. Sidoo kalana, ma aannu doonayn in qareennada sita maryaha madmadow ee maydka ee qosolka leh ay helaan fursad ay istusnimo ku muujiyaan, kuna soo bandhigaan doodo lagu raaxaysto, iyaga oo isticmaalaya afmiishaarnimo ay ku ladhan tahay khiyaamo. Maya. Dhimasho ayaannu doonaynaa. Sababta oo ah, waxaannu ahayn tuugo hubaysan—budhcad. Waannuna garanayney. Dhinaca kalana, maannu doonayn in aannu sharciga siinno fursad uu laftiisu isugu qiri karo doqonniimo. Waxaannu daacad u ahayn naftayada, shaqadayada, dalkayaga iyo iinsaanka.

“Si degdeg ah dil noogu xukun oo noo dir tiirka toogashada, adiga oo aan dib noo dhigin”, ayaannu hal mar ku wada qaylinnay. Garsoorihii, markii uu ka soo kabtay anfariirkii hore, wuxuu noo sheegay in maalintaa dib naloo celinayo oo wuxuu yidhi “waxaad rabashteen maxkamaddaydii”. Waxaan u malaynayaa in uu doonayey bal in aannu arrimaha dib uga baaraandegno oo aannu beddelno codsigayagii. Ma aannu beddelin. Maalintii xigtey, markii ay maxkamadda nagu celiyeen, waxaannu cod dheer ku nidhi intii oo kale. Waxaannu nidhi, dhac iyo dilba waannu geysannay. Denbi ayaannu faraha kula jirnay. Hagaag. Ma jirin waddo u furan garsooraha, wuxuuna sameeyey wixii ay ahayd in uu sameeyo. Waxaannu ku qasabnay inuu daacad u ahaado shaqadiisa, sharciga dalka, iyo inuu caddaaladda ku dhaqmo. Guul la dhayalsan karo ma ahayn. Dadkii ku sugnaa hoolka maxkamadda, yaab ayaa ka soo hadhay; ilaaladayadiina waxay la amakaageen inaannu dhoolacaddaynayney markii aannu ka soo baxayney maxkamadda. Markii aannu maxkamadda ka soo baxaynay waxaan ka maqlayey dad leh: waa “danbiilayaal adkayaal ah” iyo waa “Budhcad”. Mid ka mid ah daawadayaashii ayaa run ahaantii candhuuf nagu tufay, markii aannu sii gelayney shabaqlaha booliiska ee Black Maria oo na sugayey!

Maadaama aan iminka budhcadnimo qirtay, waxaad is wayddiin doontaa sababta aan sidaa u sameeyey. Su’aashaa waxaan kaga jawaabi doonaa sheeko ku saabsan dhillo da‘ yar oo qurux badan oo aan kula kulmay St Pauli, Hamburg, halkaas oo dhawr sanno ka hor uu markabkayagii nagula xidhay. Marar badan ayaan saaxiibbaday uga sheekeeyey sheekadan. Waxaan wayddiiyey, munaasibaddii ka dib, waxay halkaa ka qabanaysey? Waxay ku jawaabtey, gabdhaha qaarkood waxay doortaan inay xafiisyo xoghayayaal ka noqdaan, qaar kalana waxay doorbidaan inay kalkaalisooyin noqdaan. Sidaa daraadeed, iyaduna inay xirfad ahaan u dooratay dhillaysiga. Hagaag.  Laabxaadhnideeda ayaa saamayn igu yeelatay. Fikir bayna igu dhalisay. Ma dookh baan ku ahaa ganacsade badmaax ah mise waxay ahayd shaqadii koowaad ee ii soo baxday markii aan iskuulka ka tegay? Markii aannu waddanka ku soo noqonnay, markabkii waxaan uga hadhay dhilladii St Pauli darteed, waxaanna boos karraani ah ka helay Wasaaradda Difaaca.

Halkaas bay ahayd meesha aan sida ka fool ka fool ah ugu arkay xatooyada badheedhka ah ee loo geysanayo hantidii qaranka. Mar kasta oo aan is idhaahdo sharrax waxay naftayda ku kicisaa lahan aad u qoto dheer. Qof kastaa iyada ayuu ku shuqlanaa, mana jirin cid looga cawdaa.  Qof kasta oo aan uga dacwoodaana wuxuu igu odhan jiray: “haddii aannad ka adkaan karin, ka mid noqo”. Ma doonayn in aan cid ku biiro oo waxaan doonayey inaan ka guulaysto oo si iskay ah, dagaal ugu qaado. Muddo yar ayay igaga takhalluseen oo shaqadii igaga saareen. Xilligaa, iima furnayn waddo aan ka ahayn inaan ku biiro. Qasab ayay igu ahayd inaan mid doortaa. Dabadeed, waxaan noqday tuug hubaysan―budhcad. Jawaabtayduna waxa weeye, waxay ahayd doorashadayda, kamana qoomamaynayo.

Ma ku baraarugsanaa in arrinkaasi halis yahay? Halka ay gabdhaha qaar xoghayayaal ka yihiin, qaar kale ayaa doortay inay dhilloobaan. Ragga qaar ayaa doorta inay noqdaan askari iyo boolis, halka kuwo kale ka yihiin dakhaatiir iyo qareenno; anigu waxaan doortay inaan tuug noqdo. Shaqo waliba halisteeda leh. Waxaa laga yaabaa in taksiiluhu wedka kula kulmo waddada; ganacsaduhuna wuxuu ku dhiman karaa shil diyaaradeed; tuugguna wuxuu geeryoon karaa ka hor inta aan tiirka la taagin. Wax weyn ma aha. Haddiiba aad i wayddiisid, dhimashada aan doortay waxaa laga yaabaa inay ka xallad badan tahay oo ka tayo badan tahay oo ka hadalhayn badan tahay inaad sariir dusheeda ugu nafbaxdo beerka oo khamri xaddhaaf ahi ku googooyey. Soo sidaa ma aha? Laakiin, ma waxaad leedahay budhcadnimadu waxay u daran tahay bulshada? Oo waa go’aan cad oo lagu jebinayo sharciga. Ma doonayo inaan sheego cudurdaar. Balse, keliya waxaad ka fekertaa, ragga iyo dumarka faraha badan ee bad iyo beriba ku howlan jebinta iyo qalloocinta sharciga. Waxaad raadisaa nuqul ka mid ah wargayskii Guardian ee soo baxay 19 Sibteenbar. Waa daabacaddii lagu faafiyey denbigii aannu u qirannay garsooraha. Waxaad nuqulkaa ugu tegi doontaa sheeko ku saabsan sarkaal dowladeed oo xaday wax ka badan toddoba milyan oo naira. Toddoba milyan! Hagaag. Bulshada ayuu cadow ku  ahaa soo ma aha?  Imisa qof oo la mid ah ayaad garanaysaa? Immisa ayaan se laga warqabin? Waxaan ku leeyahay, haddii shaqadaydu cadow ku tahay bulshada waa nalagu weheliyaa. Waxaana igu weheliya madaxweynayaasha dalalka, haayadaha caalamiga ah, iyo guud ahaan shaqaalaha dowladaha, rag iyo dumarba. Waxa keliya ee aannu ku kala duwannahay waa inaan anigu diyaar u ahay in la i marsiiyo ciqaabta guud ahaan gaboodfalladii aan geystay, halka qolyahaa kale arrinkaa u darbanayn. Hadda soo maad garan?

Kuma wayddiisanayo fahamkaaga iyo xitaa naxariistaada. If iyo aakhiro toona uma baahni. Wax kasta waxaan u sheegayaa sida ay wax u jiraan. Soo sax ma aha? Waxaan filayaa inaad odhan doontid, tuugta hubaysan waxay si gaar ah u ilaaliyaan dadka liita ee waxbayahayda ah. Oo budhcadnimo shaqo kuma laha, qof aqoontayda oo kale leh. Waxaan taas kaga jawaabayaa, markaasi waa marka ay shaqooyinka qabtaan dad si wacan loo tababbaray oo lacag wacan la siiyey. Waxay horseedi doonaan xirfado wanaagsan oo tayo leh, kuwaas oo ugu danbayntii ay bulshadu ka faa’idi doonto . Sida hubaasha ah ma waalni e, xilligaasi wuxuu ahaa markii burburka qarammada Afrika ku jiray gacmaha siyaasiinta aqoonyahan-la-moodka ah. Maanta, waxaa shaqada kala wareegay dad si fiican loo tababbaray oo hodan ah. Bal eeg sida wanaagsan ee ay wax u wadaan. Sidaa daraaddeed, haddii heerkaa la gaadho, damiirkaygu si fudud ayuu u ledayaa. Hadda soo maad garan?

 Marka aan hurdada ka hadlo, waxay ahayd inaad aragtid Sazan iyo Jimba oo ku hurda sibidhka adag ee qabow ee xabsiga oo u khuurinaya sidii oo nolosha gebigeeduba tahay khuuro wanaagsan. Haddii iyaga oo sidan ah la arko, cidina rumaysan mayso in berri la toogan doono. Waa rag geesiyaal ah. Waa askar qiima badan. Waxaa ayaandarro ah in bulshadu si abadi ah u waayi doonto kartidooda oo subaxnimada la dili doono. Sazan wuxuu maalin uun noqon lahaa taliye ciidan oo wanaagsan, waxaana suuragal ah in uu noqon lahaa madaxweynaha dalkeenna, sidii Idi Amin ama Bokassa. Yurubiyaanka iyo Ameerikaankuna waxay ka dhigan lahaayeen saaxiib wanaagsan oo gacan ka siiya hoosudhaca horumarka Afrika. Jimba–na wuxuu noqon lahaa taliye boolis oo aad u hagaagsan, maadaama uu aqoon badan u leeyahay nidaamyada booliska! Dabcan, waad ka war haysaa in Sazan yahay saddex-alifle laga rukhseeyey ciidamadeenna qaranka, Jimba–na mar ahaan jiray laba-xiddigle ka tirsan ciidanka booliska. Markii aannu kulannay, waxaannu haysanney sababo isku mid ah oo ay tahay inaanu u midayno hibadayada, hubaashiina waxaannu samaynay koox aad u weyn. Hadda, waxaannu ku wada jirnaa qolka geerida oo ku yaal xabsi si weyn loo ilaaliyo, waxayna saacadihii ugu danbeeyey ee noloshooda ku khuurinayaan sagxad uraysa oo qabow. Waxaa wax aad loogu riyaaqo ah in la arko iyaga oo nolosha quudhsanaya. Qabkoodu waa waxyaalaha sameeya taariikhda. Dal kale iyo wakhti kale waxay noqon kari lahaayeen Sir Francis Drake, Courtes ama Sir Walter Raleigh. Waxay samayn kari lahaayeen imbaraadoorado, waxayna kasban lahaayeen sharaf umaddeed. Balse halkan, nolosheennu waa musiibo weyn iyo eedaad bilaa dhammaad ah. Geesinnimadu ma aha xiddigeena. Waxaynu nahay hangaraaracyo ku dhex gurguuranaya kayn qoyan oo cidhiidhi ah. Sababtaa darteed, Sazan iyo Jimba waxay dhiman doonaan iyaga oo garanwaayo ah. Hadda ma fahmaysaa?

Marka laga tago hal hawlgal: waxaannu ku dhaarannay inaannaan marnaba qof dilin. Weligayana cid ma aannu dilin.  Xaqiiqdii, kama aannu qaybqaadan jirin “hawlgallada” gaarka ah ee aannu qaadi jirnay—Sazan, Jimba iyo aniguba. Hawlgalkaasi si wanaagsan ayuu u socon lahaa haddii taliyaha boolisku fulin lahaa waajibaadkiisii heshiiska. Sababta oo ah dhinacayaga ayuu ahaa. Boolisku waxay ku lug lahaayeen dhac kasta oo dhaca. Dooxatada oo dhanna way yaqaannaan. Haddii aannaan wadashaqayn la lahayn, guul ma aannu gaadhi karayn. Aniga, Sazan iyo Jimba waxaannu ahayn madaxda oo “hawlgallada” ma aannu raaci jirin. Sida caadiga ah, gacanyarayaashayada ayaa shaqadaa qaban jiray. Waxayna u baxeen hawshaas. Taliyaha boolisku waxay ahayd inuu ninka booliiska ah ee ilaalada ah ka reebo gaadhiga maalintaa siday mushaharka shaqaalaha. Sababo badan awgoodba, waa ku fashilmay. Ninkii booliska ahaana wuxuu xabbad ku furay gacanyarayaashayadii. Wiilashiina way ka falceliyeen oo waxay toogteen oo dileen ninkii booliska ahaa iyo waardiyayaashii shirkadda. Waxayna gacanta ku wada dhigeen lacagtii. Laakiin, dilku wuxuu lid ku ahaa heshiiska aannu kula jirnay booliska. Sandulle ayay ahayd in aannu bixinnaa. Sababta oo ah, boolisku uma dulqaadan doono in mid ka mid ah askartooda la dilo. Waxayna naga qaadeen lacagtii oo dhan, dabadeedna, wiilashii ayay dabagaleen oo raadsadeen. Waannu ka diidnay arrinkaa. Wiilashuna amar ayay ku baxsadeen. Dabadeedna waxaannu si iskayo ah u galnay halkoodii, booliskiina waxay noo taxaabeen xabsiga, waxayna abuureen buuq dadweyne oo arrimahan ku saabsan. Waan ogahay, in wiilashu ay hadhow go’aan gaadhi doonaan. Ma garanayo waxa ku dhici doona taliyaha booliska, balse waa inuu isu badnaadaa. Haddaba, haddii inahaasi ku laabqaboojinayaan, waxaad yaqiinsanaysaa inaanan dhiig daadin.  Dhinaca kalana, marnaba ma aannu xaraysan xoolo xatooyo ah. Hasayeeshee, wax kasta oo aannu ka qaadnay dadka—hodanka ah—waxaa badiyaa wadaagi jiray kooxda, oo aalaaba sabool u badnayd. Aniga, Sazan iyo Jimba, maalqabeenno ma aannu ahayn.

Sababtaa awgeed, waxay dad badani noogu eedayn doonaan xilkasnimadarro, ama in aannu hagrannay noloshadayada. Xaq bay se u leeyihiin.  Waxaan filayaa in aan saaxiibbadayda hurda metelay marka aan leeyahay xirfaddayada waxaannu u doorannay, sababta oo ah waxaa noo muuqan waayey farqi aasaasi ah oo u dhexeeya wixii aannu samaynayney iyo waxa dadka kale badankoodu ay maanta ka samaynayaan dhulka. Dhinac kasta oo nolosheenna ka mid ah—siyaasadaha, ganacsiyada iyo mihnadahaba—waxaa asal u ah tuugnimo. Muddo badan ayay sidaas ahayd. Waagii hore, awoowayaasheen waxay ragga qaraabadooda ah ku iibin jireen, si loo addoonsado, waxyaalo yaryar oo ay ka mid yihiin kuulo, muraayado, khamri iyo tubaako. Xilligan la joogo, arrimuhu waa isku mid, balse agabyada oo keliya ayaa isu beddelay gawaadhi, idaacado iyo akoonno bangi. Wax kale isma beddelin, mustaqbalka dhowna waxba isma beddeli doonaan. Hasayeeshee, gacaliso Zole, taasi waa dhibaato haysan doonta dadka noolaan doona, wixii berri ka danbeeya.

Diiggii hadda wuu eedaamay, waana ogahay in waagu dillaacayo. Si maldahan uma hadlayo. Laakiin, qolkan xabsiga ah waxaa weli ku baahsan gudcur, marka laga reebo iftiinka shumaca aan wax ku qorayo. Sazan iyo Jimba weli waa gama’san yihiin. Waardiyihii xabsiguna waa la mid. Habeenkii, si wanaagsan ayuu u seexdaa oo wax dhibaato ah nooma geysto. Haddii aannu doonayno in aannu baxsanno, waannu ka baxsan karayney, sababta oo ah ilaaladu aad bay u jilicsanayd. Balse, maadaama oo wixii berri subax ka danbeeya aannu ka nefisayno culaysyo badan oo aan loo dulqaadan karin, waxaannu aamisannahay in baxsashadu tahay wax laga maarmi karo. Cidda xabsi ku jirtaa waa adiga iyo gaadhka: xabsi weyn oo aydaan ka baxsan karin, maadaama oo aydaan ogaynba inaad xidhan tihiin. Farxaddiinnu waa farxadda jaahilnimada, jaahilnimadiinuna waa waxa xabsiga idinku haya, xabsigaasina waa noloshiinii. Marka cadceeddu soo baxdo oo gudcurka habbeennimo dhammaado, saddexdayadu xor baannu noqon doonnaa. Sazan iyo Jimba, waxba ka tegi maayaan. Laakiin, ugu yaraan, anigu waxaan ka tegi doonaa warqaddan e, fadlan, jiilasha danbe u xafid.

Zole, ma si xanaaq ka muuqdo ayaan u hadlay? Ma cod dhiillo leh ayaan wax kuugu sheegay? Iigu dulqaado oo ha yaraysan xaqiiqada ah in aan ku sii siqayo toogashadaydii. Waad garan karaysaa xaqiiqada labaad. Intaa ka dib, ma laga yaabaa in dhimashada aan sida banyaalka ah hortayda uga arkay ay iga dhigtay mid aragti dheer? In kasta oo arrinkaasi suuragal yahay, misana arrimahan waxaan badiyaa si waadix ah uga arki jiray maskaxdayda. Weligay cid ugama sheekayn, cidna kalama doodin. Waxaan doorbiday inay naftayda ku noqdaan culays. Hadda soo maad garan?

Saacado yar dabadeed waa na loo yeedhi doonaa. Waxaannuna dad kale la raaci doonnaa baabuur mushkilad ah, oo ay weli u yaqaanaan Black Maria. Bal u fiirso sida wax kasta oo balanbal ahi xidhiidh inoola leeyahay. “Black sheep. Black Maria. Black Death. Black Leg. The Black Hole of Calcutta”.

Baabuurka Black Maria ayaa noo qaadi doona xeebta ama garoonka. Waxaan u badinayaa inay garoonka na geyn doonaan. Waxaan se jeclaan lahaa inay na geeyaan xeebta oo marka ay ugu yar tahay, waxaan mar kale arki lahaa badda. Sababta oo ah, waxaan badda u hayaa xiiso xaddhaaf ah oo xidhiidh la leh waayahaygii badmaaxnimo. Waxaan jeclahay fidsanaanteeda, dahsoonaanteeda, qaradeeda iyo qotadheeraanteeda aan la qiyaasi karin. Waxaana suuragal ah in goorta ay na toogtaan ay go’aansadaan in maydkayaga lagu tuuro badda. Dabadeedna, waxaa maydkayaga cuni doona libaax–badeed ay ugu danbayn jillaaban doonaan kalluumaysato Jabbaaniis iyo Ruushiyaan ah oo inta ay tallaagado nagu guraan, karaatoonna nagu mooriyaan ka iibin doona ganacsato Hindi ah, kuwaas ka iibin doono isla markaana macaash badan kaga samayn doona dadkayaga. Qaabka caynkaa oo kale ah waxaan dadkayga kaga caawin lahaa, sidii ay u sii noolaan lahaayeen. Balse, nooma samayn doonaan ixsaankaa. Waan hubaa inay garoonka na geynayaan. Si dadka bilaa shaqada ah ee raaxa–ku–noolka ah loogu sameeyo masrax dhab ah; si aanay u dareemin rafaadka; si looga ilaaliyo inay fekeraan; si ay u farxaan oo u ciyaaraan.

Waxaannu halkaa ku tegi doonnaa dhar uskag ah. Bishii la soo dhaafay hal shayna ma aannu maydhan. Waxay nagu xidhi doonaan tiirar, sidii oo ay yihiin lagamamaarmaan. Xitaa haddii aannu maskaxda ku hayn lahayn in aannu baxsanno, xaggee baannu u carari lahayn? Waxaan sidoo kale filayaa inay damacsan yihiin inay indhaha naga xidhaan. Sazan iyo Jimba waxay sheegeen inaanay oggolaan doonin in indhaha laga xidho, aniguna waan la qabaa. Waxaan doonayaa inaan arko kuwa dilka igu fulinaya, waxaan doonayaa inaan si geesinnimo leh u dhugto dhuunta qoryahooda, waxaan danaynayaa inaan sii milicsado cirka furan, cadceedda, iyo iftiinka maalinnimo. Waxaan sidoo kale doonayaa inaan arko oo maqlo sida dadkayagu ugu maadsadaan ee igu sacabbiyaan dhimashadayada. Waxaan doonayaa inaan dareemo madaxbannaanida iyo xorriyadda.

Garoonku waa buuxsami doonaa oo dad badani waxay waayi doonaan meel ay istaagaan. Si ay nooga bogtaan oo ugu raaxaystaan bandhiggan bilaashka ah, waxay fuuli doonaan dhirta iyo balakoonnada ku yaalla guryaha ku hareeraysan garoonka. Hagaag.

Dabadeed waxaa noo iman doona wadaad, si uu noogu duceeyo ama noo wayddiiyo dalabkayaga ugu danbeeya. Sazan wuxuu aalaaba yidhaahdaa, waxaan dalban doonaa sigaar. Waan hubaa inay siin doonaan. Waxaan arki doonaa, ka hor inta aanay xabbaddu ku dhicin, isaga oo si aad ah u neeftuuraya. Wuxuu yidhi waxaan sigaarkaas ugu raaxaysan doonaa si aanan ugu raaxaysan wax kasta oo aan nolosha ku haysto. Jimba–na wuxuu yidhi, waxaan ugu jawaabi doonaa aammusnaan calaamad u ah quudhsi. Anigu waan ku qaylin doonaa oo waxaan ku odhan doonaa: “Bax, munaafaqyahow, qaxaabka ahi”.  Kor baan intaa ugu dhawaaqi doonaa si ay daawadayaashu ii maqlaan. Malayn kari maysid sida aan u jeclaan lahaa inaan helo maykarafoon, codkayga ku baahiya garoonka, maya e, gaadhsiiya guud ahaan dalka oo dhan! Dabadeedna, waxaa lagu qosli lahaa waddaadka iyo ciddii soo dirtayba!

Wadaadku wuu noo ducayn doonaa. Laakiin, cidda ay tahay inuu u duceeyaa annaga ma aha. Waa inuu dadka nool u duceeyaa, kuwa ku jira cadaabta maalinlaha ah. Ducadiisa iyo dhawaaqa xabbadaha waxaa u dhaxayn doona aamusnaan. Aamusnaanta qabriga. Marxaladda u dhaxaysa nolosha iyo geerida. Waana in loo arkaa in farqiga labadooda u dhaxeeyaa yahay mid u yar sida miiqa yar ee isku haya geedka iyo midhaha “calabash–ka”. Kala geddisnaanta u dhaxaysa dadka nool, sida qof kasta oo garoonka ku sugan, iyo annaga oo ah meyd waa mid aad u yar, taas oo iinsaanka ka dhigaysa mayd lugaynaya! Hasayeeshee waa in aan ku farxaa in aan ka tegayo adduunkan, jiritaankiisu bilaa micnaha yahay ee saxariirku maalinba maalinta ka danbaysa ku siyaadayo. Yeelkadeed e, waxaan u xiisi doonaa Sazan iyo Jimba. Fadeexad bayna noqon doontaa in la arko, iyada oo la laynayo mudanayaashan xarragada badan. Gacalisadaydii aan jeclaayeey, adigana, sidoo kale, waan kuu xiisi doonaa. Daawadayaashu se ma lahaan doonaan wax qaddarin ah.

Waxay soo cammiri doonaan garoonka, waxayna fuuli doonaan dhirta iyo baalkoonnada guryaha, sidii oo ay ka soo qaybgaleen kulan kubadeed. Waxay caloolahooda madhan u raadin doonaan sheekooyin, casho ugu filan cawayska Sabtida. Looma’ooyaan bayhoofsan!

Nimankii nolosha nooga raaxeeyey ayaa meydkayaga ka furi doona xadhkaha, dabadeedna gaadhi nagu tuuri doona oo xabaal wadareed furan noo qaadi doona. Waa shaqada ugu yaqyaqsiga badan adduunka. Xitaa hal milyan oo doollar kuma qabteen. Balse, dad tabaalaysan ayaa shaqadaa u qaban doona si ay dhammaadka bisha u helaan mushahar xaqiran—mushahar ay ku kabi doonaan laaluush, si ay noloshan adag uga samatabbaxaan. Waan u damqanayaa, waana ka xumahay. Hadda sow maad garan?

Wargaysadu waxay si dhab ah u diiwaangelin doonaan xaqiiqada toogashadayada. Haddii ay fakaag helaanna, sida hubaasha ah waxay naga qaadi doonaan sawir, si ay u qurxiyaan quraacdaada.

Waxa aan xasuusnahay wargays aan waa hore ka akhriyey nin ka codsaday wadaad in lagu dhinac aaso ushii uu ku socon jiray—oo sannaddo badan wehel dhab ah u ahayd. Waxaa la sawiray isaga oo sii dhimanaya oo si kalgacal leh ugu dheggan ushii uu jeclaa. Waa taa saaxiibtinnimada dhabta ahi. Hagaag, Zole, haddii aad aragtid sawirkayga oo caynkaas oo kale ah, soo jar, dababdeedna, waxaad u geysaa qof farxashaxamiiste ah oo waxaad ka codsataa inuu sida aan sawirka uga muuqdo uga sameeyo taallo dhagax ah. Waa inuu aad iigu eekaysiiyaa. Waa in aan noqdaa qof muuqaal ahaan majixinjixe ah, dabeecad ahaanna hawlkar ah. Xoogaa lacag ah ayaa bangiga iigu jirta oo waxaan hore bangiga ugu amray inay lacagtaa ku siiyaan, si aad ugu debberto howshaas aan haddeer ka hadlayey…

Gacaliso, wakhtigu waa cararayaa. Sazan iyo Jimba hadda way tooseen. Waxayna la amakaagsan yihiin in aan xalay oo dhan dhafrayey. Sazan wuxuu aammisan yahay, ugu yaraan, inay ahayd inaan naftayda u raaxeeyo oo aan habbeenkaygii ugu danbeeyey adduunka u seexdo si wacan. Waxaan su’aalay, miyaanan dhawr saacadood gudahood, si abadi ah, u ledayn si wanaagsan? Waxaan ku andacooday, waa in habeenkani ahaadaa habeenka aynu ugu soojeed badannahay. Sazan iyo Jimba umay bogin arrinkaa. Way  istaageen oo hammaasadeen oo iskala bixiyeen, oo indha marmarteen. Dabadeedna, inta ay igu soo durkeen ayay agtayda soo fadhiisteen. Waxayna iga codsadeen inaan u akhriyo waxa aan qorayo. Waxa aan u sheegay in arrinkaasi aanu suuragal ahayn. Waa warqad jacayl! Iyo daqiiqadihii ugu danbeeyey ee nolosha! Sazan wuxuu igu yidhi waad waalatay. Jimba–na wuxuu tilmaamay inuu hubo inaan ka cabsanayo dhimashada oo isaga oo igu dhaygagsan ayuu si adag ii soo dhuganayaa, si uu caddayn ugu helo shakigiisa. Waxaan idhi ma waalni, geerina kama baqayo. Keliya, waxaan saaxiibbadaydii carruurnimadii uga warramayaa waxa aan dareemayo habeenkan gaarka ah. Oo waxaanna u dirayaa farriin muhim ah. Jimba wuxuu igu yidhi, weligaa nooma aanad sheegin inaad saaxiibad leedahay. Waxaanna ku idhi, hadda ka hor muhim ma aanay ahayn.

Waxaan mar kale dib u xasuusiyey, inaanan toban sano arag. Baahida dhabta ah ee igu qasbaysa in aan warqad u qoro waa in aan habeenkan gaarka ah dareemay in aan u baahanahay in aan u dhawaado iinsaanka—qof dadka kale u sharrixi kara, wixii nagu kellifay waxyaalihii aynu ka samaynay maxkamadda gudaheeda iyo bannaankeedaba.

Sazan wuxuu ii yidhi, si buuxda ayaan kuugu raacsanahay. Waxa kale oo uu yidhi, aniga qudhaydu waxaan jeclaan lahaa inaan fikradahayga qoro. Miyaan hayaa warqado aan amaahiyo? Waxaan ku idhi, maya. Dhinaca kalana, wakhtigii waa dhammaaday. Waagii waa beryey, welina warqaddaydii ma gunaanadin. Maxaad ka qabtaan in aad iga tagtaan dhowr diqiiqadood? Waxaan jeclaan lahaa in aan warqadda gebagabeeyo, oo boqshad ku rido oo ilaalada xabsiga u dhiibo, ka hor inta aanu si dhammaystiran hurdada uga toosin oo u xasuusan inuu qaato kaalintiisii rasmiga ahayd ee axmaqnimada ahayd.

Jimba iyo Sazan waa saaxiibbo wanaagsan. Sazan wuxuu igu yidhi, waxaad jacaylkaaga u sheegtaa in aanay wax carruur ah dhalin, maxaa yeelay, waa micnadarro in dad cusub la keeno nolosha qallafsan ee adduunkeeda. Jimba–na wuxuu leeyahay, waxaad jacaylkaaga ka codsataa inay ii ilmayso oo ay sidaas ku karaamayso qof, gebi ahaanba shisheeye ah oo aanay waxba ka garanayn. Labadooduba way qosleen, waxayna aadeen geeska qolka oo waxay iiga tageen si aan u dhammeeyo warqaddayda.

Haddaba, waxaan kaaga sheekaynayey taalladaydii e. Ma heli doontid meydkayga. Hasayeeshee, waa in aad qabri ii qoddaa, oo taallada dulsaartaa dhagaxa qabriga. Ugu danbayntiina, waxaan soo gaadhay qaybta aan u arko inay ugu muhiimsan tahay warqaddan. Baroordiiqdayda.

Hubaashii, waad ogtahay inaan arrinkaa ka fekeray. Maxaad ku tilmaami lahayd tuug lagu dhex toogtay garoon ay tuban yihiin dadweyne faraxsan? Ma in uu ahaa nin wanaagsan oo tasoobay? Ma in uu mutaystay dhimashadiisa? Ma in uu ahaa qalqaali? Ma in uu ahaa dibjir? Dilaa aanay ciqaabtiisu aad u cuslayn? “Halkan waxaa ku aasan hebel, kaas oo meel fagaare ah loogu toogtay inuu dharaar cad dhacay gaadhi bas ah, laayeyna askartii ilaalada ahayd. Wuxuu tusaale u noqon doonaa guud ahaan tuugta taaganta iyo kuwa timaaddadaba!”

Yaa danaynaya xuska caynkan oo kale ah? Hubaashii waxay moodi doonaan kaftan. Maya. Arrinkaasi uma cuntamayo oowaxaanna go’aansan doonaa wax kale oo intaa ka geddisan—wax maangal ah oo caddaan ah. Ama erayo halxidhaale ah oo si dhab ah ugu qalma nin  doortay in koox askar ahi ku toogtaan meel fagaare ah.

Dan kama lihi. Run ahaantii, inaan u dhinto sida aan u nafbixi doono saacadaha soo aaddan ma aha wax laga werwero. Dad badan ayaa arrinkaa ila wadaaga. Hasayeeshee, waa inaan galaa diiwaanka sooyaalkeenna. Sooyaalka colaadda, dilka iyo nolol la’aanta.

Ku raaxaysiga waxyeelaynta dadka. Weedhaasi ma ku habboon tahay? Waa duni ay tahay in aan ku farxo ka tegisteeda. Balse xus la‘aan ka tegi maayo.

Waxaan xasuusanahay, sannado badan ka hor, aniga oo carruur ah, in aan wargays ka akhriyey hoggaamiye Afrikaan ah oo dul taagan qabriga askari laba-xiddigle ah oo isaga oo ilmaynaya leh: “Afrika waxay laysaa wiilasheeda”.  Ma garanayo waxa uu hadalkaa ula jeeday, in kasta oo aan muddo dheer ka fekerayey, misana iima suuragelin in aan fahmo micnaha ku dhex qarsoon erayadaas. Balse, waxay sida daadka iigu soo rogmadeen ammintan aynu joogno. Waxaan doonayaa inaan isaga intaa ka amaahdo.  Waxaan jeclaan lahaa in aad qabrigayga, xus ahaan, ugu dul qorto: “Afrika Waxay Laysaa Ubaxeeda.” Soo xus wanaagsan ma aha? Oo xanbaarsan farriin dahsoon oo halxidhaale ah isla markaana qeexan? Waa in aan idhaahdaa, waa shaqo wanaagsan. Waan hubaa in aad igu waafaqi doontid. “Afrika Waxay laysaa Ubaxeeda!” Tolow taasi ma sababta loogu qeexay Qaaradda Madow baa? Soo sidaa ma aha?

Haddaba, hadda way iga dhan tahay, gacaliso. Qalbigaygu wuxuu u nuurayaa sida ifiinka cadceedda oo si tartiib ah ugu baahaya qolkan gudcurka ah.  Waxaan maqlayaa gaadhkii xabsiga oo furayaashiisii ka sanqadhinaya oo gelinaya albaabka. Mar dhow wuu furi doonaa, wuuna noo yeedhi doonaa.  Wakhtigeennii waa dhammaaday. Wakhtigaygiina waa idlaanayaa, waana in aan kuu soo diraa salaan gacaltooyo. Nabadgelyo.

Waan ku jecelahay,

Bana.

Sheekadan waxa soo turjumay Saxardiid Axmed.

Source: Geeska.com

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland