Alle Ha U Naxariiste Fanaan, Mullaxan, Abwaan Carte Maxamed Xuseen (Carte-yare) Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hageysa.

Abwaan Carte Maxamed Xuseen ( Carte-yare,)

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariisto  Fanaan, Mullaxan, Abwaan  Carte Maxamed  Xuseen ( Carte-yare,) ayaa caawa geeriyooday Magaalada Hargeysa, waxa uu  caan ku ahaa tumista miyuusiga gaar ahaan Kabanka .

Carte-yare,  waxa uu dib u soo qaaday heeso ay qaadeen fanaaniin uu ka mid ahaa Maxamed Saleebaan Tubeec.

Waxa uu ka mid  ahaa dadkii fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-yadii, inta badan noloshiisa waxa uu ku qaatay Hargeysa.

Bahda Shabakada Wararka ee Hayaannews waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii,Ehelkii, Qaraabadii,Bahda Fanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Abwaan Carte Maxamed Xuseen ( Carte-yare,)

Aamiin……………………..Aamiin…………..Aamiin.