Maalin Xasuusteed: Booqashadii Abwaanada.

Maalin Xasuusteed: Booqashadii Abwaanada.

Waa goor subaxnimo hore ah; ilaa todobadii aroornimo. Goobtu waa dugsigii Maxamuud Axmed Cali, Hargeysa. Taariikhdu waa 20 Febraayo, maalintuna waa Sabti sanadkuuna 1988kii. Arday wada dhalinyaro ah, oo wiilal iyo gabdho ba leh, oo dirayskoodii ku labbisan baa daabuurkii amaba safkii u taagan barxadda weyn ee dugsiga. Maalin is ka caadi ah, oo maalmihii dugsiga ah ayay noo la muuqatay, ma se ahayn. Waxa noo soo galay saddex nin oo caan ka ah bulshada dhexdeeda, booqashadooda na hore loo ma sii sheegin.

Waa Abwaan/Bare Yusuf Xaaji Aadan Cilmi, Abihii  labaad ee tacliinta Soomaaliya), Abwaan Cismaan Aadan Xusseen (cisman askari), iyo Muuse Cali Faruur.

Waagaas ma jirin TV iyo saxaafad bulsho (social media), dadka caanka ah na, badiyaa magacdooda uun mooyee muuqaalkooda in yar baa taqaanay. Sababtaas darteed, imankaas odayaasha ah, ee gees kasta oo la eego ba geedaha waaweyn ahaa, ardaydu magac ahaan mooyee muuqaalkooda ma wada aqoon. Markii na loo sheegay kuwa ay yihiin, aad ayay noo farxad gelisay in ay hortayada joogaan. Waxa I gu dheer, ilaa maantadaas, sidii aan u gu dhaygagay eegistooda, iyo sidii aan u gu dheg taagaayay odhaahdooda. Xataa noocyadii lebiskooda ayaa ilaa maanta xasuustayda ku qoran. Yuusuf waxaa uu xidhna macawiis cad, oo nooca qaaliga ah ee Abu-saranda loo yaqaanno ah,Shaadh gacmo-dheere ah, oo midabkiisu buluug yahay,Koofiyad,g’o shaal ah iyo kabo sandall ah. Halka abwan  Cismaan-askari uu Xidhnaa shaadh-surwaal safari ah iyo kabo buudh ah; Abwaan Muuse na, macaawis iyo shaadh, Shaayad sare oo uu shaadhka ka dul xidhnaa, cumaamad, koofiyad, kabbo buudh ah, waxaanu sitay bakoorad.

Maamule Faarax, oo dugsiga madax ka ahaa Ayaa noo sheegay in ay marti qaali ahi joogto, waxaanu na faray in kuraasta fasalada taalla aanu soo qaadno, degdeg baanan shaqadii u qabanay. Kuraastii baanu barxadda saf-saf u dhignay, hortayada na waxa soo istaagay maamulkii iyo qar ka mida ah macalimiintii dugsiga, oo ay si weyn u ga dhex muuqdaan odayaashii na soo booqday. Markii la sheegay kuwa ay yihiin, ee hadalkii la gu soo dhaweeyay, waxa istaagay oo u hor hadlay yuusuf xaaji aadan, waxaanu ka warramay waayihii ay ka soo mareen halgankii waxbarashada. “Sibidhkan aynu hadda kor taagganahay ma jirin waagii ololaha hirgelinta tacliinta aanu bilownay,” oo laga joogo mudo shan iyo afartan  sano ah maanta  ayuu ku furay hadalkiisa.

Isaga oo Yuusuf sii wata, waxa uu noo ga sheekeeyay sidii isaga laftiisa, Maxamuud Axmed Cali iyo dadkii kale ee la soo halgamay ay waxbarashada ku bilaabeen. Waxa uu yidhi – fasalkii koowaad markii aanu samaynaynay, ardayda qaybtii Berbera iyo Burco aanu ka keenay annaka oo wadna, oo Berbera uun wax yar soo dhaafnay, ayuu nin kooxdaas ka mid ahaa dalbaday in Gaadhiga loo joojiyo, oo uu doonaayo in uu is ka noqdo. Yuusuf waxa uu sheegay in uu baabuurkii joojiyay, is la goobtii na uu ku curiyay maanso gaaban (afarrey) uu ninkaas  ku la hadlaayo, taas oo sababtay in uu ku qanco in aanu safarka ka hadhin, oo uu tacliintiisa wado. Ninkii hadda Imaaraadka Carabta ayuu degganyahay, waxaanu haystaa shaqo fiican, ayuu Yuusuf yidhi magacisii wuu sheegay laakin ma xasuusto hada.

Ujeedada uu sheekada ninkaas noo gu mariyay waxa ay aheyd Tusaale iyo dhiiri-gelin ku saabsan qiimaha waxbarashada. Sidoo kale, maalintaas waxa uu noo ga warramay Heesta caanka ah ee Somaliyeey Tooso. Waxa uu sheegay in mar ay Somaliland ka tageen, iyaka oo u socda Soomaaliya oo waagaas Talyaani haystay, laakiin beryahaas uun la siiyay is maamul daakhili ah kuna sinayad dhawr iyo kontnkii inakstoo  Magaalada Gaalkacayo ayaa na la gu joojiyay, in aan ka gudubno na maamulkii isticmaarka ayaa diiday, ayuu yidhi. Heestaasi in ay diyaar u ahayd, oo uu u gu talagalay in Muqdisho uu ku soo ban-dhigo ayuu sheegay, ka dib markii la diiday in ay gudbaan na, uu Gaalkacayo lafteeda ka qaaday, ayna caan noqotay oo sidaas Soomaali oo dhan ku gaadhay.

Ka Dib, Cismaan-askari Ayaa Soo istaagay oo hadalkii qaatay. Maalintaas waxa uu noo ga Sheekeyaay Riwaayadii caanka ahayd ee Wad Iyo Wacad, waxaanu sheegay in uu ka sameeyay qisadii Muliya Iyo Xuseen doobbo, taas oo  geyiga carbeed iyo dunida kale Saylac xidhiidh la lahayd badankeed caan ka ahayd.

Ka dibna, warkii waxa qaatay Muuse Cali-faruur, kaftan baanu ku bilaabay. “Abwaan anigu ma ahi ee Murtida Maanta ayaan ahay, waxa se abwaanno ah nimankan aanu wada soconno; laakiin ‘Murtida Maanta’ ciyaar ha moodina.” Ayuu yidhi. Kaftanka oo aad loo gu qoslay ka dib,  Muuse waxa uu noo ga sheekeyay gabaygiisii caanka ahaa – Kabbashada Cilmiga Gaaban, Waa Lagu Kadeedma. Waxa uu sheegay gabaygaas in la gu xidhay, iyo markii la soo daayay ka dib, gabay uu tiriyeey; iyo weliba gabay kale oo jacbur ah, oo Ka Hadlaya Niman mutacalimiin ah oo ay Wadda fadhiisan jireen.

Sidoo kale, waxa uu Muuse noo mariyay sheeko la gu qoslay, oo ka dhex dhacday macalin iskuul iyo ardaygiisii. Waxa uu yidhi – macalin baa ardaydiisii faray in ay tareen sawiraan. Sidii baa la yeelay, laakiin ardaydii midkood baa ka leexday; ardaygaasi waxa uu ka war qabay in macalinku marar badan uu fasalka dhexdiisa ku luloodo amma yar seexdo, xanta macalinka ee taas ah baanu sawirkii ku saleeyay. Waxa uu sawiray dhabbaha xadiidka ah ee tareenku ku socdo iyo muuqaal qiiq ah oo xadiidka ka sareeya. Markii goordhow macalinkii uuu weydiiyay tareenkii loo diray, ardaygii waxa uu yidhi – macalin tareenkii waa uu ku dhaafay – yacnihii waad hurudday.

Intaas waxa uu ku daray sheeko gaaban oo geela ku saabsanayd, waxaanu na gu yidhi – ma garanaysaan afarta astaamood ee geela quruxda u ah, dadka na foolxumada ku ah? Isaga ayaana ka jawaabay. Waxa uu yidhi – habeeddu geela waa u qurux, dadka se waa ku ceeb oo waxa la odhanayaa waa isku kaajay. Kurusku geela waa u qurux, laakiin dadka waxa la odhanayaa tuur buu leeyahay. Baabacada weyni geela waa u qurux, laakiin dadka waa ku foolxumo. Faruurtu geela waa u qurux, laakiin dadka waa u foolxumo, sidayda oo kale, ayuu yidhi. Taas u dambaysay ayaanay ardaydu aad iyo aad u gu qosleen.

Waxa uu warkiisa ku soo xidhay hal maahmaah ah, waxaanu yidhi – Marka dhul ku luli dhabta saarto, Dhab ku lulina dhigtay ba. Waa maahmaah ku salaysan dhaqankii xoolo-dhaqashada, gaar ahaan haweenka iyo lulitaanka ciirta. Marka laladanyahay, gabadha adhiga badani haan weynayay ciirta ku lushaa oo subagga ka ga saartaa; halka gabadha xoolo-yarow ga ahi na, wakhtigaas barwaaqada ay caano yar uun lulato, iyada oo inta ay joog amma dhiil yar ku shubto, ka dib na dhabta ku lusha. Wakhtiga adagi marka uu yimaaddo, ee xooluhu ay caano yareeyaan, Gabadhii adhiga badnayd, ee haanta weyn dhulka dhigan jirtay, waxa dantu ay ku khasabtaa in ay joog amaba dhiil yar ku lusho, oo dhabta saarto; halka tii waagii barwaaqada la joogay ba xoolo yaraan darteed dhabta saari jirtay na, xiligan adag waxba ma hayso, oo lulasho iyo warkeed wayba dhigtay. Waa maahmaah loo soo qaato marka sawir la ga bixinaayo xaalad adag, iyo sida uu yahay qofkii isagu waayada ladnaanta ba xalad adag ku jiray, goorta duruufuhu yimaaddaan sida ay u gu sii adkaato.

Sababta maalintaas abwanadu noo gu yimaaddeen noo ma sheegin, anaku se tafsiir baanu u samaysanay. Maadaama ay ahayd 20 Febraayo, taas oo ku beegnayd sanadguurada Dhagaxtuurkii 1982, waxa aanu u fahamnay abwaanadu in ay ka hor tegaayeen ardaydu in aanay isu soo baxyo iyo dhagaxtuur cusub samaynin. Xaalad aad u cakiran oo siyasadeed iyo cabsi baa jirtay, waxaanay u badnayd in dhiig badani daato oo aan ardayda xabbadda loo ga tudheen. Waxa ay ahayd saddex bilood uun ka hor gudo-soo-galkii SNM ee May 1988kii.

Waa Ibraahin oo idin la wadaagay xasuusta maalin aad u fogayd oo ka mid ah maalmihiisa. Eebbe dadka aan soo qaaday ha u wada naxariisto, intooda weli nool, ee Muuse Cali-faruur ka mid yahay na, caafimaad iyo cimri ba ha siiyo. Tu dambaynu lahaan, hadii Taajir yidhaahdo.

Hadii ay jirto wax aan ka tagay amma aan khalday amma aan garan waayay idinka I xasuusin arydaydii xiligaasi aanu is ku reer MAC ahaynoow.

Maalin Xasuusteed: Booqashadii Abwaanada.

Qalinkii:Ibraahim Cali Ahmed (Cuucuule }

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland