Bahda HayaanNews Waxay Tacsi U Direysa Marxuum Xuseen Baanday Cismaan Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Marxuum Xuseen Baanday Cismaan-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannes):Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) iyo dhammaan hawlwadeenada ka hawlgalaa meelkasta oo ay dunida ka joogaan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska reer Baanday ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Xuseen Baanday Cismaan oo saaka oo ay taariikhdu tahay 26.3.2024 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, kadib markii uu muddooyinkii u danbeeyey bukaan jiif uu ahaa.

Marxuumku waxa uu geeriyooday bishii barakeysnayd ee Ramadaan waxaanu ahaa adoon wanaagsan oo dadka jecel oo ehlu-cibaado ah oo sheeko iyo kaftan baddanba.

Marxuum Cabdikariin Baanday ILAAHAY ha u naxariisto Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo. Dhammaanteena Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Marxuum Xuseen Baanday Cismaan-Hayaannews

Waxaan si gaara uga tacsiyadeynaynaa Walaalihii Saynab Baanday iyo Rooda Baanday oo ay marxuumka Walaalo ahaayeen.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland