48-KA XEER EE AWOODDA. Buug Uu Qorey Robert Greene

Cabdinaasir Axmed Abraham-Hayaannews1

Buuggan waxa qoray  Robert Greene. Waxaanu bartan ku soo ururiyay aragtiyo kala duwan, oo sidii sheegay qofka ka caawin kara helo awood siyaasadeed, dhaqaale ama shakhsi.

Qoraagana oo aan akhriyay saddex buug oo uu qoray dad badan baa iska dhalliila anigu se waxaan kaga soo horjeedaa oo keliya’ in awoodda loo maro dariiq lid ku ah damiirka wanaagsan iyo dadnimada.

Buuggan siyaasiyiinta reer Galbeed ayaa inta badan ka dhigta manhaj siyaasadeed oo ay ku gaadhaan xilka.

Haddaba Shabakada Wararka ee Hayaannews waxay degelkan idinku soo gudbinaysa 48-da xeer ee awooddu waxay kala yihiin:

  1. Never Outshine the Master: Ka fogoow soo jiidashada dareennada halista ugu muuqan kara madaxdaada.
  2. Never Put Too Much Trust in Friends: Ha ku fududaan aaminin dadka, waa suurto-gal ay ku khiyaamaane.
  3. Conceal Your Intentions: Qarso qorshayaashada iyo hadafkaaga guushaaduna fejiciso lama-filaan ah, ha ku noqoto dadka.
  4. Always Say Less Than Necessary: Hadalkaagu ha yaraado markasta dheh inta aanay ka fursanayn oo keliya. Waxa laga yaabaa xogta badan ee kaa baxdaa in halis kugu noqon karto.
  5. So Much Depends on Reputation: Ku dedaal sawir wanaagsan in bulshadu kaa haysato si aad awood iyo saamayn ugu hesho.
  6. Court Attention at All Costs: Naftaada u sheeg oo ha kaa go’naato baadi-doonka awooddu.
  7. Get Others to Do the Work for You: Daadeji shaqada oo dadka kale ha kuu qabtaan, adna ammaanteeda hel.
  8. Make Other People Come to You: Si ay dadku kuugu tiirsanaadaan, oo aanay kaaga maarmin lahow wax lagagu majeerto.
  9. Win Through Your Actions, Never Through Argument: Guusha ku raadi dariiqa ficilka iyo dedaalka ee ha ku raadin ka doodda iyo hadalka.
  10. Infection: Ka fogoow dadka xun ee aan la isku hallayn jarin, xidhiidhkoodu wuxuu dhaaci karaan sawirka wanaagsan ee bulshadu kaa haysato.

La Soco Qeybta Labaad………………

Cabdinaasir Axmed Abraham-Hayaannews

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland