Dad Ladnaan Ma Xejo Qalinkii Maxamed Xasan Cali (Weji)

Maxamed Xasan Cali (Weji)-Hayaannews

Bini’aadamu sidiisa ba ma garto nicmada uu ku jiro, nicmooyinka ugu waawayn ee alle ku manaystay, waxa ugu horreeyaana waa amniga. Alle inagama qaado amnigee, Aadanuhu ma garto amniga, wanaagiisa, waxtarkiisa iyo macaankiisa ilaa colaad la galo. Ka labaadna waa caafimaadka, Alle inta bugta caafimaad ha siiyee dadku ma garto qiimihiisa ilaa far laga qabto oo uu xanuunsado. Midka saddexaadna waa shabaabnimada Iyana qofku macnaheeda, macaankeeda iyo waxtarkeeda ma garto ilaa uu waynaado oo xubnuhu jilcaan, timuhuna caddaadaan, markaasi ayuu dareemaa wanaagii shabaabnimada. Dadka qaarna waxa aanay garanba dantoodu halka ay ku jirto. Dad ladnaan ma xejo.

Tuulo yar oo aan dad badani ku noolayn ayuu nin xaabada uga soo guri jiray meel duleedkeeda ah oo kayn ah. Ninkaasi waxa uu ahaa nin danyar ah oo aan baryada aqoon oo xoogsada, maalinta wax laga iibsadana wax cuna, maalinta kalena dhexda xidha oo samra. Maalmaha uu xaabada gurayo ayuu la kulmi jirey shimbir hadlaysa, oo odhan jirtay “DAD LADNAAN MA XEJO” isna wuxuu ugu jawaabi jirey shimbirta “Yaa na siiya anaga dhibic ma tuurneen e.” intaasi ayaa dhex mari jirtay maalin kasta. Maalintii dambe ayuu maqley iyadoo sideedii leh “Dad ladnaan ma xejo”, ninkii oo hadalkeeda ka cadheysan ayaa si kulul ugu jawaabey maalintaa “Dad ladnaan ma xejo… Dad ladnaan ma xejo ayuun baad maalin walba leedahay ee aniga ii tilmaam ladnaanta aad sheegayso.” xaabadii ayuu qaatey oo dhaqaaqay shibirtii ayaa hadal aanu uga baran ka soo yeedhay oo ku tidhi “Waar jog!” ninkii oo yaaban ayaa jaleecey oo ay u raacisey “Waar geedkan aad hoos joogto caleentiisa toddoba sacab ka guro, tun oo biyo ku dar waa dawo iyo dabiib inanta Suldaanka dalkeenna ee aad maqashey xanuunkeeda ay ku bogsaneyso. Ballanta Suldaankana waad maqashey inantaa ninka keena dawadeeda ayaa guursanaya, ninka dhaxalka taajka lehna noqonaya ee orodoo waa anigaa ku tilmaamee xijiso” waxay raacisay odhaahdeedii lagu yiqiin ee ahayd “Dad ladnaan ma xejo” wuxuu qubayaa xaabadii oo wuxuu go’a ku guntaday toddobadii sacab ee caleentaa ahaa. Dhababaco ayuu buulkiisii yaraa ku tagayaa, markiibana Mooye iyo Tib ayuu caleentii ku tumayaa oo intuu biyo ku daro oo Joog ku shubo ayuu orad ku tagayaa Qasrigii Suldaanka. Askartii qasriga hortaagneyd oo diiftiisa, aradkiisa iyo cawlaantiisa la yaaban ayaa joojinaya iyagoo leh “Istaag maaha maalintii masaakiinta sadaqada la siinayey e.” ninkii ayaa ku odhanaya askarta isagoo Joogga tusaya “Waxaan sidaa dawadii inanta Suldaanku ay ku bogsan lahayd.” askartiibaa wada qososhey iyagoo la yaaban arag xumadiisa iyo damaciisa, waxa ayna ku yidhaahdeen “Waar bal na dhaaf oo u gal suldaankii halkaasuu fadhiyaaye.”

Suldaankii markuu u soo galay ayuu si yasid ah u su’aaley “Waar maxaad ahayd?” ninkii oo baqayana ayaa cod diniiqa ugu jawaabey isaga oo leh “Suldaan waxaan sidaa dawadii ay ku bogsan lahayd inantaadu” Suldaankii oo dhoolla-caddeynaya ayaa ka qaadey Jooggii una dhiibay nin la fadhiyey, iyadoo ninkiina uu fadhiisiyey meel u dhow. Dawadii ayaa loo geeyey inantii oo markiiba loogu maydhay. Inantii oo aan waligeed soo fadhiisan ayaa jiifkii ka kacday oo fadhiisatay! Markiiba dumar iyo rag yaacaya ayaa Suldaankii u yimid iyagoo leh: “Suldaan… Suldaan… Suldaan inantii bogsatay! Ee mee ninkii dawada siday” Suldaankii ayaa cararaya oo u tagaya inantii mise waabay taagantahay. Suldaankii wuu ku farxay inantii bogsatay. Suldaankiina ballantii kama bixin ee ninkii wuu u dhisey. Wuxuu ka dhigtay inankiisii taladii dalka oo dhan buu ku wareejiyey. Ninkii xaaboolaha ahaa dhiishii faqriga ayuu tuuray. Qasriga mafaatiixdiisii makhsinada oo dhan ayaa lagu wareejiyey marka laga reebo hal makhsin oo yar oo muftaaxiisa Suldaanku la hadhay.

Ninkii markii uu muddo yar nimcadaa jaqayey ayuu ku bilaabay yuus iyo cabasho aan looga fadhiyin xaaskiisii, isagoo leh “Aabbahaa iguma kalsoona way muuqataa inaanan ahayn inankiisii, muxuu makhsinkaa muftaaxiisa u haystaa ee uu iigu aamini waayey?” afadiisii oo la yaaban ayaa tidhi “Waar haddaad qasriga intiisii kale oo dhan mafaatiixdoodii haysato, maxaad ku falaysaa muftaaxa uu la hadhay! Malaha bixiso ayaa ku wada.” Ninkii kuma hadhin oo ma qaadan taladii afadiisee Suldaankii ayuu u tagay isagoo leh “Suldaan iguma kalsoonid.” Suldaankii oo la yaaban ayaa yidhi “Ma anaan kugu kalsoonayn! Waar miyaanan taladii dalkaba kuu dhiibin maxaan kaala hadhay?” ninkii oo wali cadhaysan ayaa yidhi, “Makhsinkaa yar muftaaxiisa maxaad u haysataa ee aad iigu dhiibi wayday haddaad igu kalsoon tahay” Suldaankii ayaa hadalkiisaa aad uga cadhooday oo intuu ka jeestey ayuu askari u yeedhey oo u dhiibay muftaaxii makhsinka isagoo ku leh “Kaxee ninkan oo u fur makhsinkan uu doonayo, alaabta taalana sii qasrigana ka saar.” askarigii ayaa kaxeeyey ninkii oo makhsinkii u furey mise waxa yaala labadii qayd ee uu xidhnaa maalintii uu qasriga yimid iyo jaamihii uu gashanaa iyo gudintii uu xaabada ku guran jirey. Askarigii ayaa ka saaray Qasrigii, labadii qayd ayuu xidhay, jaamihiisiina gashaday, gudintiina qaatay oo qasrigii ka baxay.

Maxamed Xasan Cali (Weji)-Hayaannews

Muddo yar ka dib ayuu isagoo xaabo doonaya kayntii tagay, shimbirtii baa aragtay oo ku dhawaaqdey “Dad ladnaan ma xejo” ninkii oo foorara ayaa isna yidhi “Anigaa kaaga marag ah oo xejin waayey ladnaantii, oo waa runtaa dad ladnaan ma xejo.”

Qalinkii: Maxamed Xasan Cali (Weji)

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland