DEGDEG: Maayar Mooge Oo Ka Hadlay Haweenay Gaadhi Dawladda Hoose Leedahay jiidhay

Maayir Cabdikariin Axmed Mooge-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannews): Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa imika ka hadlay haweenay gaadhi Dawlada Hoose leedahay oo jiidhay.

Sidaa waxa uu Maayir Mooge caawa ku sheegay qoraal kooban oo uu kaga hadlay arrintaasi, waxaanu yidhi

“Waxaan shacabka u sheegayaa in aan la kulanay Qoyska Hooyada Gaadhiga DHH jiidhay, barina waanu balansanahay In’sha’Allah. Arintana waxa gacanta ku haya Booliska JSL oo baadhaya. Sidoo kale waxaan cadaynayaa oo beeninayaa in aanan sii dayn maxabiis u  xidhnayd kiiskan, shacabkana waxaan uga digayaa in aanay rumaysan wararkan beenta ah. Ramadan Kareem.”Ayuu yidhi Maayir Cabdikariin Axmed Mooge

Maayir Cabdikariin Axmed Mooge-Hayaannews