Dalkii Sheeka Xariirooyinka Qalinkii: Aw Guudcadde

Dalkii Sheeko Xariirooyinka-Hayaannews

Shiriin Ramsanaali Faasil waa qoraa aabbaheed Baakistaani yahay, hooyadeedna Soomaaliyad. Sannadii 1953 ayay ku dhalatay Xamar oo markaa uu ka jiray Maamulkii Wasaayada Talyaanigu. Laakiin, sida Soomaali badan ku dhacday, waxa qoysku dalkii uu jeclaa ka qaxay kolkii askarigii arxanka darnaa uu dalka inqilaabay ee nolosha malaayiin Soomaaliyeed dalluunta aanay cidi ku labayn u qoday kuna hubsaday. Horraantii 1970nadii ayaa iyada iyo odaygeeda oo Talyaani ahi degeen magaalada yar ee cidhifka galbeed ee dalkaa ku taalla ee Nofaara.

Shiriin waxay waqti u heshay in ay dhaqannada kala duwan ee is dhex qaadaya (dalkii ay ka timi iyo kan ku cusubba) deristo oo u fiirsato. Sannaddii 1994 ayay soo saartay buuggeedii kowaad oo Af Talyaani ku dhigan, “Lontano da Mogadiscio (Ka Fog Muqdisho),” oo lagu sheegi karo taariikh-nololeed suugaamaysan oo curis u dhow. Dabadeed waxsoosaarkeedu ma hakan ee sheeko (mid dheer iyo tu gaabanba), curisyo, iyo maansaba way qortay. Sheekooyinkeeda noofallada ah waxa ugu horreeyay “Nuvole sull’Equatore. Gli italiani dimenticati (Daruuro dul hoganaya Dhulbadhaha: Talyaanidii la illaaway) oo 2010 soo baxay. Sheekadani waxay si farshaxamaysan isu dul taagaysaa dhaxalkii wisiisisiga iyo dikhawga lahaa ee Talyaanigii loo meheriyay masiirka Soomaaliya, iyadoo naqdinteeda iyo dabuubteeda u dhiibanaysa Aamina iyo inanteeda Juuliya oo baaxaaliga sheekada udubdhexaadkooda ah.

Haddaba, waxaan u socdey buuggeedaa kowaad (dabcan Af Ingiriisina waa loo turjumay badi waxqabadkeeda; waa ayaandarro aan inooga baahnayn in aynu is xasuusinno se in aan weli Af Soomaali loo turjumin). Dareenka qofka gala kolka uu degmadiisii ka fogaado, jidh ahaan iyo nafsad ahaanba, ama—sida ay Kaaha Maxamed Aadan odhan jirtay—degmadiisu isaga ka fogaato ee ka farabaxsato, ayay buuggan meelo badan oo ka mid ah si u gaar ah oo awood badan ugu soo bandhigaysaa. Bal u fiirso intan yar ee aan ka soo turjumay iyo hilowga haaraanka wata ee ku lammaan.

***

Dalkii Sheekaxariirooyinka (Il paese dei balocchi)

Xilli baa jiray uu waddankaygu ahaa dalkii sheekaxariirada; dal ilme kastaa uu rabey in uu koro oo ciyaaro.

Fagaaraha magaalada waxa joogay sheekeeye ilko la’ oo cimriyay, iyo dumar da’ yar oo jidadka hareerahooda khudaarta ku gada. Khudaar nagu cusub oo dhadhankoodu macaan yahay isla markaana culus yahay, lehna midabbo dhalaalaya oo aad mooddo in qorraxda looga soo amaahday. Naylo iyo baraar dhogor yar leh ayaa cida isku dari jiray, sidiiyoo aad mooddo in ay wax ku darsanayaan raynraynta hareerahooda ka jirta.

Waxa ku yaallay beero waaweyn oo dalaggu ka baxo, oo carruurtu ay dhuumaalaysi ku dheeli jirtay. Waxa ku yaallay geedo waaweyn oo canbe ah oo uduggooda hawada ugu deeqi jiray, iyo webi u dhow oo ubadku isku tuuri jireen iyagoo aad u wada qoslaya. Waxa joogay diinan aad u waaweyn iyo bataax tuulan oo diirran oo ay ku dulundulcoon jireen. Waxa furnaa dukaammo ay yaryarku ka soo gadan jireen macmacaan dhul aad u durugsan u dhadhan eg.

Waxa jiray xaafado leh luuqyo cidhiidhi ah oo aan magacyo lahayn laakiin carruurtu wada xafidsanayd. Waxa joogay bisado, digaag, sakaarooyin, iyo dameero dabjoog noo ahaa. Waxa ku yaallay xaafado aanu cimrigood noolayn oo ubadku iyagoo qaaqaawan dhex yaaci jireen iyagoo foolkooda ay dhoolacaddayn iyo farax saarsaaran yihiin. Waxa joogay maroodiyo, libaaxyo, jeerar iyo geel badan oo si fururuqsigooda la maqlayo uga cabbi jiray dooxooyinka iyo webiyada dhiiqada leh. Waxa dul goglanaa cir buluug ah oo ballaadhan oo leh daruuro cadar ah oo aan marna ka daalin in ay sheeko tebiyaan.

Dalkii Sheeko Xariirooyinka-Hayaannews

Qalinkii: Aw Guudcadde

FACEBOOK: https://www.facebook.com/disinterested.nomad