Dastuurkii Madiina Ee Seeska U Ahaa Muwaadinnimadii Muslimiinta Iyo Yuhuudda Ee Dawladda Islaamka  Qeybtii 2aad

Madiina waxa ay ahayd magaalo u kala fadhiday qabiilooyin iyo kooxo caqiido oo ay cadaawad badani u dhexeysay, dagaalo qabiil oo dhiig badani ku daatay ayaa joogto ahaa. Markii uu Islaamku yimi, Carabta badankeedii waxa uu ku mideeyey abtirsiin cusub oo ah ‘Gargaarayaasha’ (Ansaar), waxa se jiray Yuhuudda oo qabiil ahaan dhexdeeda u sii kala qaybsanayd, sida aynnu hore u soo sheegnay, iyo dadyow laga tiro badan yahay oo ka hadhay sanam caabudkii carbeed (Mushrikiin).

Heshiiskan bulsho oo uu Nebigu [ﷺ] dhaqangeliyey intii aanu dhammaysanba sannadkii koowaad ee joogitaankiisa Madiina,  waxa uu nidaaminayey hab-macaamilka bulshada dhexdeeda, iyo xidhiidhka iyaga iyo dawladda.

Waxa ay ahayd tallaabadii siyaasiga ahayd ee ugu horreysay dawladdii islaamka ee uu hormuud ka ahaa Rasuulkeennii Muxammed [ﷺ]. Waxa aanay kaalin muuqata ka qaadatay in bulshada laga saaro meertadii colaadeed ee qarniyada badan qaybinaysay, looguna beddelo midnimo, iyo wada noolaanshiyo.

Dastuurka Madiina waxa uu si gaar ah xoogga u saaray xuquuqda aadamaha, gaar ahaan arrimaha bulshada, sharciga, caqiidada, iwm. Marka qodobbadiisa 52 ka ah la abla-ableeyana waxa ay mucdoodu ku soo hoos ururaysay mabaadii’da aasaasiga ah ee dhowrista xuquuqaha iyo waajibaadka raciyadda iyo dawladda Islaamka labadaba.

Waa mabaadii’da ay dawladaha casrigani la daalaa dhacayaan dhowristooda, ama intooda horumarka isku tirisa oo keliya lagu arko.

  1. MUWAADINNIMADA

Dastuurka Madiina waxa uu iftiimiyey in dawladda Islaamku ay tahay hay’ad siyaasadeed iyo nidaam qaanuuniya oo ay waajib tahay in dadku dhammaan ku hoos ururaan, xitaa kuwooda aan Muslimiinta ahayni.

Waxa uu aqoonsaday in dadkii Madiina ay dhammaantood yihiin raciyadda dawladda Islaamka, waxa aanu jeexay hannaanka iyo habraacyada sharci ee muwaadiniintan kala isirka iyo diinta ahi ay u ku macaamilayaan dhexdooda, iyo sida ay dawladda u macaamilayaan iyaga oo aan ka werwerqabin xaqa ay u leeyihiin nolosha iyo ammaanka, xorriyadda, cadaaladda, u madaxbannaanida aaminsanaantooda diineed, dhaqan, caadooyin iyo dhaqaale, iwm.

Dhinaca kalana, dastuurka Madiina waxa uu ogolaa in ay sii ballaadhato muwaadinnimadaasi oo ay ku soo biiri karaan dadyow aan reer Madiina ahayn, iyo in ay soo ururto oo cidda doontaa ka hoos bixi karto, iyada oo u madaxbannaan go’aankeeda.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay,  in dastuurkani aanu dadka ku dhaqan dhulka ka baxsan xuduudka Maddiina, u aqoonsanayn muwaadiniin la xuquuq ah kuwa reer Madiina, xitaa haddii ay muslimiin yihiin. Cidda Muslimiinta ah ee doonayso in ay ka mid noqoto muwaadiniinta (in ay hesho jinsiyadda), waxaa looga baahanayey shuruudo ay ka mid ahayd, in ay marka hore u soo haajiraan ama soo galaan xuduudka dawladda oo dabcan markan Madiina ahayd, Iimaanka iyo in ay u hoggaansamayaan nidaamka iyo shuruucda dawladda.

Marka aynnu soo koobno mabda’a Koowaad ee dastuurka Madiina sugay, waa in dawladda Islaamka ay muwaadiniinteedu noqon karaa dad haysta diimo, dhaqanno iyo isirro kala duwan.

Kuwaas oo ku wada nool dawladnimo looga baahan yahay in ay ka soo baxaan waajibaadka saaran, iyaguna mutaysanayaan xuquuq siman.

Kamaal Marjaan

Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya

EMAIL: hayaannewsonline@gmail.com