Madaxweyne Xasan Gurguurtoow Ciyaarta Ka jooji Masaajidka ILAAHAY Haddaad Islaam Tahay!

Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamuud-Hayaannews

“Xasaradiisa ha ula wareego tiyaatarka uu muufada uu ku dubbo Guure”

Muqdisho(Hayaannews):Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caado ka dhigtay maalmaha jimcaha salaada ka dib inuu hadalo xanafleh ka soo jeediyo masaajid ku yaal xayndaabka   madaxtooyada Muqdisho, taas oo muujinaya sida uu uga aradan yahay aqoonta iyo  dhaqanka shareecada Islaamka maadama uu garan waayey inuu ixtiraamo beydka illaahay oo ah guri lagu camiro dikriga illaahey islamarkaana ay ka reeban tahay  in arrimo siyaasad iyo masaalix shakhsi ah lagaga hadlo.

Xasan Sheekh, marka la eego ficilkiisa waxa uu la mid noqonaya ninkii la yidhi “hala habaaro hadaad maqashaan’qof ka baafinaya Masaajidka dhexdiisa neef geela ama wax kale oo ka lumey oo qofkii maqlaa baafintaa”haku yidhaado“allaah kuuma soo celiyo!,ee Masaajida looma dhisin arintaa ee ka jooji”.

Waa xadiis saxiix ah oo laga weriyey rasuulkeenii suubanaa Maxamed (NNKH)

عن نشد الضالة؛ لحديث أبي هُرَيْرَةَ قال: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: مَنْ سَمِعَ رَجُلًا يَنْشُدُ ضَالَّةً فِي الْمَسْجِدِ، فَلْيَقُلْ: لَا رَدَّهَا اللَّهُ عَلَيْكَ، فَإِنَّ الْمَسَاجِدَ لَمْ تُبْنَ لِهَذَا[

Haddaba, Masaajidka mar haddii loo diiday ninka baafinayey baadida geela miyaanay dembi ahayn in loo ogolaado Xasan Sheekh oo la tuhunsan yahay inuu dhacay lacag  malaayiin dollar oo hanti qaran oo ka dhexeysay ummadda Soomaaliyeed?

Mida kale, Xasan Sheekh miyaanu ahayn qof islaam ah oo illaahay ka cabsoonaya marka uu munaafaqada iyo naxliga ka soo dhex afuufayo guriga illaahay isaga oo heli karaya meelo kale inuu Dadka uga soo jeediyo  bayaanadiisa bila micnaha iyo ma-dhalayska ah.?

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa dad badani isweydiinayaa waxa aamusiyey ee ay uga hadli layihiin dhaqan xumada Xasan Sheekh oo ah mid bulshada Soomaaliyeed ee Muslimka ah ka leexinaysa dariiqa toosa haddii aan laga joojin hadalka laqwiga ah ee uu ka soo ridayo Masaajidka dhexdiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamuud-Hayaannews

“Inta Maanku Gaajeysan yahay Guuli Waa Wali” Hadraawi

Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya

EMAIL: hayaannewsonline@gmail.com