Dawlad Caawisa Dawlad Ka Fac Iyo Dhaqale Badan!!

Run Ahaanti Jamhuriyada Somaliland Waa Dawlad Curdin Ah Oo Cagaheeda Ku Taagan Mudo Sodon Sanadood Ah Mudadas Ay Dhisnayd Somaliland Waxaa U Qabsomay Wax Badan Oo Horumar Ah Halka Ay Wali Jiraan Waxyaabo Badan Oo Qabyo Ka ah Waxa Ugu Wayn Ee Somaliland Qabsatay Illahayna Ku Guuleyay Mudadas Ay Dhisnayd Waxaa Ka Mida “Nabada” Oo Ah Waxa Ugu Wayn Ee Ay Aduunka Ka Iibiyan Kuna Horumaren Bulshada Ku dhaqan Dalku,Halka Uu Yahay Bilaw Dhaqaalaha Iyo Maalgashiga Dalku Isaga Oo Imika Uun Fooda La Galay Horumar Dhaqaale Balse Aanay Dareen Sanayn Dawlad Iyo Shacab Dhaqaale Badan Oo Ay Ku Caawiyan Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Ethopia Sifooyin Kala Gadisan Oo Aan Aad Looga Fikirin Layskana Waydiin Wax Badan.

Somaliland Waxay La Jaar Tahay Dawladaha Ugu Waawayn Afrika Uguna Dadka Iyo Dhaqaalaha Badan Waa Dawlada Itoobiya Waxa Dadkeda Lagu Qiyaasay 114,963,588 Milyan Wadanka itoobiya Waxaa u badan Oromo Oo Ah 40 % Iyo Amxaaro Oo Ah 25 % Soomaalidu Waa 20% Iyo Tigreega Oo 6 % Ah Waxa Halkaa Inooga Muuqata In Ay Oromadu Yihiin Dadka Ugu Badan ee Ka Soo Jeeda Dawlada Aan Jaarka Nahay Taas Oo Ay Dad Aad U Badan Oo Ka Soo Jeeda Qoomiyada Oromadu Lug Ku soo Galaan Somaliland Iyaga Oo Ka Hela Dhaqaale Iyo Nolol Aanay Ku Haysan Dalkooda Sida,((Dawarsiga,Waashimanimada,Qodista Suuliyada,Samaynta Bunka,Iyo Shaqoyin Kale Oo Aad U Badan Halka Badhkood Ay Dalka Ku Dhex Sameeyan Falal Dambiyeed Sida Caruur La Xado Iyo Basaasnimo,Miisaniyada Maaliyadeed ee 2021 Waa ((561.7 bilyan Oo Bir)) Iyada Oo Dolar U dhiganta ($ 13.00 bilyan)).

Hadaynu Eegno Dadka Ku Dhaqan Somaliland Iyo Misaaniyada Sanadkii Waxa Lagu Qiyaasa Sadex milyan Iyo Badh Ilaa Afar Milyan Oo Qof Halka Uu Yahay Dhaqalaha Misaniyada Dalku
Isugeynta Guud Ee Sannadka Cadadka Oddoroska Miisaaniyad-Sannadeedka 2021 Wuxuu Dhan Yahay 2,882,000,000,000 (Laba Tiriiliyan Iyo Siddeed Boqol Laba Iyo Siddeetan Bilyan Shln )

Hadaynu U Fiirsano Bulshada Labada Dal Iyo Dhaqaalaha Labada Dal Ma Aha Mid Isku Dhaw Lana Is Garab Dhigi Karo Dhinac Kasta Sidaas Oo Ay Tahay Hadana Somaliland Waxaa U Dheer Maalgalin Qarsoon Oo Bulshada Mid Wax Haysta Iyo Mid Aan Wax Haysan Labadaba ka Baxa Iyaga Oo Siiya Dawlada Itoobiya Iyo Shacabkeeda Waxaan Hadalkayga Ku Soo Koobaya Labada Siyood Ee Somaliland Ku Maal galiso Dalka Aynu Jaarka Nahay E Itoobiya,

1=Bulshada Reer Somaliland waxaa Tijaar Ilaa Fiqiir Jeebkooda Usoo Shaqa Taga Muwadin Itoobiyan ah Oo Iskaga Dhigaya Nin Baahi Hayso Meherad Iyo Misaajid Hortiina Ka Ururinaya Lacagta Somaliland Oo Ay U Bedelayan Lacagta Dalka Itobiya Ee Birta Ah Iyaga Oo Ku Shubanaya Baananka Dalkooda, #Tusaale Nool Ninkani Waa Tijaar Ka Urursaday Lacagta Aadka U Badan Ee U Haysto Urursiga Lacagta Dawarsiga Ee Aynaan Dareen Sanayn U Fiirso Ninkani Waa Mar Uu Dawarsanayo Iyo Mar Uu Lacagta Ku Shubayo Baananka Dalkiisa.

2= Maalgashiga Labaad Waa Dhaqalaha Bulshada Reer somaliland Ku Bixiso Soo Iibsashada Maandoriyaha Qaadka Taas Oo Kor U Dhaafta Habeenki Lacagta Dalka Dibadisa U Baxda malaayin Dolar Inaga Oo Aan U Arkayn Lacag iyo Dhaqaale Dalka Iyo Dadka Dhaafaya. #Hayaannews

Ugu Dambayn Waxaan Leeyahay Sadaqadu Waa Waajib Marka Uu Jiro Qof Ay Ku Baxaysa Balse Marka Dal Laga Dhisayo Ama Laga Maalgalinayo Dal Kale Waxan Bulshada Ugu Baaqi Lahaa Inay Ka Fiirsadan Dadyawga Badan Ee Aynu Ku Qabno Dhibaatoyinka Badan Hadana Aynu Ugu Darayno Lacagteena Inaga Oo Helayna Meelo Badan Oo Dalkeena Iyo Dadkeena Oo U Baahan.

Wa bilahi Tawfiiq

Ali Abdi Muze

#Hayaannews