SOMALILAND: Maxkamadda Sare Oo Shaacisay Natiijada Rasmiga Ah Ee Doorashada Golaha Wakiillada

Hargeysa (Hayaannews)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa maanta shaacisay natiijada rasmiga ah ee Doorashada Golaha Wakiillada, waxaanay ayidday natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd ee guddiga Doorashooyinka Qaranka hore ugu shaaciyeen 82-ka mudane ee ku soo baxay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee dalka ka qabsoomay 31 May 2021.

Maxkamadda Sare ee JSL ayaa toddobaadyadii u dambeeyey ku hawlanayd dhegaysiga Dacwado ka dhan ah guddiga doorashada oo u soo gudbiyeen murashaxiin saluug ka muujiyey natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd, waxaanay dhegaysatay 20 dacwadood oo ka mid ah 25 oo Maxkamadda loo gudbiyey, kuwaas oo ay dhegaysigooda soo gebo-gabaysay 28 bishii June ee sannadkan.

Haseyeeshee, Maxkamadda Sare ayaa go’aamo ay dhegaysiga dacwadaas ka soo saartay toddobaadkan ku laashay dhammaan dacwadahaas, kaddib markii ay soo gebo-gabaysay dhegaysigooda, waxaanay maxkamaddu sheegtay inay dhammaan dacwadahaasi ku guul-darraysteen inay ka gudbaan nidaamka sharci iyo xeerarka doorashooyinka dalka.

Fadhi ay Maxkamadda Sare saaka ku ansixisay natiijada Doorashada Golaha Wakiillada, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadam, Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, KULMIYE Axmed Cabdi Dheere iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Xubnaha Guddida doorashooyinka Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed iyo wasiirka xidhiidhka golayaasha Maxamed X. Aadam Cilmi, Cadnaan Saleebaan Hagoog oo ka tirsan masuuliyiinta Ergada Midowga Yurub ee xafiiska Hargeysa, guddoomiyaha Ururka Qareenada (SOLLA) Xasan Cabdilaahi Cawaale, qaar ka mid ah mudanayaasha soo baxay iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed  wehelinayeen 10-ka garsoore ee Maxkamadda Sare ee kala ah Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Maxamed Faarax Siciid, Axmed Diiriye Qaalib, Cali-Shucayb Sh. Ibraahim Nuur, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, Yaxye Cali Idiris, Cabdilaahi Cabdi Aadam iyo Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambaynta ah ee doorashadii golaha Wakiillada JSL.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa intii aanu ku dhawaaqin natiijada, waxa uu faahfaahin ka bixiyay 25 cabasho oo ay u soo gudbiyeen murashaxiin ka cabanayay natiijadii hordhaca ahayd ee Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaanu xusay in 20 ka-mid-ahi u gudbeen gar-qaadista maxkamadda.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in maxkamaddu muddo saddex todobaad ah ku mashquulsanayd dhagaysiga iyo go’aan ka gaadhista dacwadahaasi oo Maxkamaddu saddex fadhi oo ay dadweynuhu si furan uga qayb galeen ku dhagaysatay dood afeed u dhaxaysay qareenada murashaxiinta ka dacwoonayay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo qareenada difaacayay Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Garyaqaan Aadam Xaaji Cali waxa uu sheegay in ugu dambayntii ay maxkamaddu ka soo saartay go’aamo sababaysan oo sharciga ku salaysan, kuwaasi oo la siiyay muwaadiniintii dacwoonayay iyo guddida doorashooyinkaba.

Intaasi ka dib, guddoomiyuhu waxa uu ku dhawaaqay natiijadii kama dambaysta ahayd ee doorashadii golaha Wakiillada JSL ee mudanayaashii ka soo baxay lixda gobol ee dalka, kuna guulaystay in ay ka mid noqdaan golaha Wakiillada cusub. Sidoo kale waxa uu xusay in maxkamadu saxeexday liiska kaydka iyo sida ay iskugu xigaan si aanu muran uga iman, waxaanu sheegay in talaabada tan xigtaa noqonayso in sida ugu dhakhsaha badan la iskugu yeedho mudanayaasha iyadoo Dastuurka la raacayo, lana dhaariyo xildhibaanada maadaama ay maxkamadu ansixisay natiijadii Doorashada.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#MJ_Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com