Dawladdii Xalay! Maxamed Haaruun Biixi

Habeenkii Xalay ahaa aniga oo Maxamed-yare ah baan seexday, aniga oo Maxamed-yarihii uun ah na waa soo toosay. Intii hurdada iyo soo toosidda u dhaxaysay wax baa dhacay. Wax baa dhacay oo Madaxweyne buuro ah baa noqday, dawlad baanan u dhisay Somaliland. 48 saacadood in aan sii hurdo ayay ahayd, waa se soo gaabatay oo allaam xun baa Igu dhawaaqay 4:55AM.

Yaan hadal ku daalin ee aan idiin sheego wixii aan sameeyay:

  1. Markii xafiiska la ii dhaariyay ba, waxa aan soo dhisay xukuumad ka kooban sideed wasaaradood oo keliya, oo mid waliba balaadhantahay, shaqo dhab ah na hayso. Wasaaradaha tiradooda waxa aan ku saleeyay baahiyaha jira sida dunidu ba u dhaqanto, waa ka tegay xisaabta ah imisa wasiir ayaa reer qansax/qudhac la siinayaa. Judhiiba waxa aan abuuuray Xeer-hoosaadka Wasiirada (Ministerial code of conduct), kaas oo wasiirada ka reebaaya in ay ka shaqeeyaan wax beel gaar ah ama shirkad gaar ahi leedahay. Shaqadii ka hadalka danaha reeraha, waxa aan u wareejiyay xubnaha guurtida ay ku leeyihiin beeluhu. Sidoo kale, waxa aan sameeyay xeerka ilaalinta siraha dawladda (Official secrets act).
  2. Geesta kale, waxa aan sameeyay Xafiiska cashuuraha (Revenue authority) oo madax banaan, Xafiiska qorshaynta iyo Tirakoobyada (Planning and statistics authority) iyo Xafiiska la dagaalanka musuqqa oo haatan magac-u-yaal uun iska ah, dib se loo habeeyay. Hay’adda la dirirka musuqqa waxa aan u yeelay qaybo kala duwan, oo xataa ay ka mid tahay unit ama unug sirdoon oo hay’adaha dawladda oo dhan ku yeelata shaqaale aan la aqoonin iyo kuwo la yaqaanba, waxaanan ku waajibiyay in ay warbixin saddex biloodle ah ka soo saaraan shaqadooda. Waxa aan arkay iyada oo la xidhxidhay niman badan iyo xataa gabdho haba tiro yaraadeen, oo durba laga waashay hunguraynta xoolaha dadweynaha. Dadka la xidhxidhay ma ahayn shaqaale dawladeed oo keliya ee waxa ku jiray ganacsato musuqa qayb ka ah. Ma ila socotaan?
  3. Waxa aan sameeyay hay’ad qaran oo warbaahinta qaabilsan (national broadcasting agency), waxaanan u yeelay Guddi Maamul oo madax banaan (management board), kuwaas oo jaan gooya miisaaniyadda iyo qorshe-hawleedka hay’adan. Charter ka hay’adda waxa aan ku caddeeyay in hawl-maalmeedka hay’addan uu wadi doono qof xirfaddiisa lagu shaqaaleeyay oo gudiga maamulku si daah furan u soo xusheen, isla markaana ay xilka iyaku ka qaadi karaan. Laga bilaabo madaxweyne ilaa shaqaalaha dawladda ka u hooseeya, waxa waajib lagaga dhigay in aanay sinaba u diidi Karin hadii warbaahintu waraysi la yeelanayso, in warbaahinta laga dhuunto na waxa aan ka dhigay amuur ciqaabi ka dhalato, baarlamaanku na degdeg ayay ku ansixiyeen ciqaabahaas. TV ga, idaacadda, jaraaidka daabacan iyo kan online ka ah ba hay’adaas ayaa maamulay oo la gu wareejiyay. Hay’ad la xisaabtanta oo daba gasha hay’ad kasta oo qaran iyo mid gaar loo leeyahayba ayaa meeshii qubuurta ahayd ee Wasaaradda Warfaafinta lagu sheegi jiray ka soo baxday. Wax kasta oo la qarinaayo, ama la doonaayo in la qariyo, iyaka ayaa daaha ka fayday, waa sida warbaahinta hagaagsani u shaqaysee. Halkaas baan kaga takhalusay waxa haatan bilaa micnaha ah ee loogu yeedho Wasaaradda Warfaafinta, hidaha iyo dhaqanka. Si wacan ma ii la socotaan?
  4. Waxa aan sameeyay Hay’adda maamul wanaagga oo haatan ba jirta, laakiin bilaa micno ah. Hay’ad si madax banaan u eegta habsami u socodka shaqada dawladda, oo xafiiska Madaxweynaha iyo ka Agaasime waaxeedyada isku si u eegta shaqadooda, ayaan ka dhigay. Sidoo kale, hay’adaas waxa masuuliyadeeda aan ku daray, in ay xisbiyada laftooda eegto sida ay shaqadooda u hayaan iyo waxa ay ku qabtaan masuuliyadda iyo dhaqaalaha la siiyo.
  5. Ciidamada jira oo haatan dhaqaale uuni ku baxo, aan se lahayn wax soo sar/sanco, ayaan dib-u-habayn mug leh ku sameeyay. Booliiska horta waa ka saaray qof aan wax qorin/akhriyin. Qofkii aan u gu yaraan shahaado dugsi sare haysanin, waxa aan u wareejiyay dhinaca milatariga. Sidoo kale, milatariga laftooda oo sida caadiga u ah caalamka badidiisa fadhiga uun lagu biiliyo, ayaa ka dhigay mid ka duwan kan caalamka ilayn Somaliland caalamka la jaad ma ahee. Waxa aan ka dhigay milatari sanco yaqaan, oo dhismaha guryaha, biriijyada iyo biyo-xidheenada in ay sameeyaan awood u leh. Milatari sanco beereed leh, oo cunto badan soo saara, oo xataa dib umadda looga gado waxa ay soo saaraan ayaa ka dhigay. Milatari boqolki konton ama lixdan ay ku foogantahay hawlo wax soo saar, kolka loo baahdo na, faylka gala oo qorigooda qaata ayaa ka dhigay. Waxa aan ciidamada u sameeyay gole sare oo ka kooban dhawr janaraal, kuwaas oo dhawrkii sanno ba mar iska dhex doorta kooda u sareynaaya,, kii ay isla gartaan na, uu Madaxweynuhu u magaacaabo Taliyaha Guud ee Ciidamada.
  6. Geesta kale, waxa aan sameyay siyaasad dhaqaale oo lagu taageeraayo wax soo saarka gudaha. Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha ayaa ka dhigay mid xoogan oo dad badan oo aqoon lehi ka shaqeeyaan. Somaliland ilayn lama aqoonsanee, waxa aan khilaafay WTO da xeerarkeeda ganacsiga ee dawladaha caalamku u hogaansanyihiin, sida in aan suuqyada gaarka ah si qalafsan loo kala xidhanin. Siyaasad ganacsi oo aad u xidhxidhan (Aggressive protectionist policy) ayaa soo rogay, cid kasta oo wax-soo-saar gudaha ah abuurta na, suuqa ayaan u xidhay. Qofkii caagad biyo ah gudaha ka soo saara, kuwa debedda ayaa ka joojiyay oo cashuur waalan ku soo rogay. Ciddii kabo/buugaag/qalimaan/dhar iwm, gudaha ka soo saarta, iyo wax kasta oo kale ba, suuqa ayaa u xidhay oo kuwa debedda ka difaacay. Cid taas igu dacwayn karta ma jirto, World Trade Organisation na ma aqaan, General Trade and Tariff (GATT) na qayb kama ahi. Xadhig aan igu xidhnayni ima dabri karo aniga. Waxa aan sameeyay ciidan gaar ah, oo ka hor taga kootarabaanka, si aan loo fashilinin siyaasadda suuqa xidhan, ciidankaas na waxa aan siiyay boqolkiiba konton wixii ay soo qabtaan, si aan looba laaluushin.
  7. Waxa aan dib-u-habayn ku sameeyay nidaamka tacliinta ee waddanka. Min malcaamad ilaa jaamacad waxa aan hoos geeyay Wasaaradda. Jaamacadaha gaarka loo leeyahay oo dhan waan xidhay si ku-meel-gaadh ah. Waxa aan soo rogay nidaam iyo shuruudo ay tahay in ay buuxiyaan jaamacadaha iyo dugsiyada gaarka ahi, tii aan buuxinin na, sidaas baan ruqsadda kaga qaaday. Jaamacadaha waddanka, Xafiiska Qorshaynta iyo Tirokoobyada iyo Hay’adda Shaqaalaha ayaa ka dalbay in ay si wada jir ah u soo dejiyaan koorsooyinka shantii/tobankii sanno ba xoogga la saaraayo, kuna saleeyaan wixii waddanka looga baahanyahay, dugsiyada farsamooyinka gacanta iyo sayniska na muhimad weyn baan siiyay. Musuqqa waxbarashada, sida shahaado la iska bixiyo, kooras la iska furo iyo wixii la jaad ah, waxa aan ka dhigay ciqaabtooda u gu yaraan shan ilaa toban sanno oo xadhig ah.
  8. Waxa aan sameeyay Wakaaladd qaabilsan biyo-soo-saarka iyo ilaalinta deegaanka. Wakaalad leh miisaaniyad inta u badan ee loo heli karo ah, oo wadanka gebigiis ka dhigta meel ceel laga qoday iyo meel biyo xidheen laga dhisay ayaa ka dhigay. Iyaka iyo milatariga ayaa si wada jir ah u sameeya dhismayaasha biyo-xidheenada, dooxyada waawayn ee badda biyaha ku dara ayaanan ka dhigay shaqada koowaad sidii wax uun, boqolkii 20 percent na ha ahaatee, looga gaadhi lahaa biyaahaas badaha gala. Dhirta la jaro ee dhuxusha iyo deegaamada la iska oodo ee beeraha lagu sheego ayaa ka takhalusay. Wasaaradda beeraha iyo xoolaha ayaa waajib kaga dhigay in ay abuuraan xarumo caafimaad oo warwareega, kuwaas oo ku hawlan daryeelka dadka iyo xoolaha labadaba. Caymis reer miyiga gaar u ah, oo reerkiiba sanadkii neef ama laba laga qaado ayaa sameeyay, kaas oo daboola dawada iyo daryeelka danleyda miyiga ku dhaqan.

Meelahaas kolkii aan maraayay, oo laakiin ictiraafkii aanan wali haynin, muddo-xileed kii na wax aan badnayni iiga hadheen, ayaa filimkii dhamaaday! Hadda ma xasuusto in aan muddo korodhsi ka fikiray iyo in kale. Nabadgelyo.

Maxamed Haaruun Biixi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com