Dawlada Mareykanka Oo Ku Hanjabtay Inay Tallaabo Ka Qaadayso Kuwa Carqalada Ku Ah Wadada Nabada Soomaaliya

”Waa inay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada kicinta ah”

Muqdisho(Hayaannews);Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay  tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayay ku sheegtay in ay ka soo horjeedo shaqo joojinta ra’iisal wasaare Rooble, isla markaana taageerayso dadaalkiisa ku aadan qabashada doorasho degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.

“Isku dayga shaqo joojinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble, waa wax laga naxo, waxaana taageeraynaa dadaalkiisa doorasho degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.  Dhammaan dhinacyadu waa in ay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada kicinta ah,” ayay tidhi waaxda arrimaha dibadda maraykanka.

Hadalkan ka soo yeedhay Dawlada Mareykanka ayaa ku soo beegmay, kadib markii khilaaf cakirani soo kala dhexgalay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble


Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com