Faaduma J. Jibriil² iyo Nacaybka Caddaanka.¹

Anniga maalinkii iigu horreysay intaan garaad yeeshay ee aan arko gumaysi ama nin cad waxay ahayd annigoo reer baadiye ah oo ilme yar ah, waxaa noogu yimi gurigayaga konfoy³ gaal wato, caruur ayaan ahayn ma xasuusto intay ahaayeen ma labo, saddex mise hal, ayeeyaday oo mandaqadda— waa Ceerigaabo iyo Boosaaso inta u dhexaysa e— weli magaceedu yaalo oo aad u magac dheerayd lana odhan jiray Maryan Aadan Maxamed ayaa caruurtii oo aan ku jiro iyo waxarihii isku dareerisay iyadoo ducaysanaysa oo Illaahay ka baryaysa sharka gaalka iyo ishiisa inaan caruurta iyo xoolaha kaga dhicin, waa na dareerisay, nimankii caddaana nimankii iyo odayaashii reerka bay la hadleen oo waxay odhanayeen dheheen intay la hadlayeen ayay ayeeyo nagu tidhi caruurtayadii waxaraha sii horjoogsada wayna naga noqotay oo gurigii ayay tagtay kolkii raggii tageen kadib meeshii ay taagnaayeen ee gawaaridoodu tiillay ayay ku shubtay oo ku bilbishay biyo iyo milix weliba iyadoo ducaysanaysa intaa kolkay dhammaysay ayay ayeeyo dib noogu soo noqotay oo cid u akhriday maaqaan e wax cashar la yiraahdo oo meel uugu jiray ayay dhammaantayo na cabsiisay waxarihiina casharkii ayay ku bilbishay kolkaas ayaa xeradii iyo gurigii nalagu soo kala celiyay.

Intaas kolkii ay dhacday runtii waxaan u qaatay, takoorid igama aha oo maan kala garanayn caddaan iyo gumaysi, midabkan in layskaga adkaaday oo taariikh ina Cabdulle Xasan iyo isla soo mareen oo is gumaystay umaan haysan ee waxaan u qaatay in midabkaas laga baqo oo dadkaas maqaarku ka lumay oo waxa looga baqayo oo looga ducaysanayaa barras ku riday[dhacay awgiis.], meeshuna waa baadiye hadda magaalooyin iyo ayaa laga dhisay oo meeshii toos uma garanayo balse waa inta u dhaxaysay Ceerigaabo iyo Laasqoray.

Haddii hordhacayga guumaysigu uu ii ahaa sidaas sare, waxaan imi Cadan oo aabahay ayaa SII-MAAN⁴ noqday oo waxaa la odhan jiray waa harbay⁵ suu u tagayna wuu soo noqon waayay, kadib aabahay wuxuu soo gali jiray ama imaan jiray Cadan halkaas ayaa anniga iyo hooyaday nala geeyay si aabbahay noogu yimaado noona arko, Cadan haddii nala geeyay malcaamad⁶ ayaa laygu daray, kadib Queen Elizabeth II oo gabadh yar oo qurux badan ah ayaa timi Cadan markeedii u horraysay, waxayagii caruur ahaa oo malcaamadaha iyo iskuullada ku jiray ayaa nala soo safay kadibna caruur ayaa dhexdeena lagala baxay si safka loo istaajiyo oo loogu soo dhaweeyo boqorradda annigana caruurtii ayaa laygu daray, kolkaas ayaan is iri haddii aad hooyo arrinkan u sheegto malcaamadda ayay kaa saaraysaa illaa[illayn] ayeeyday baan xasuusnahay e uma aanan sheegin dharkii aan gashanayay ee quruxda badnaana kilkilada ayaan gashtay⁷ oo maalintaas malcaamadda ayaan ku labistay, haddii aan tagay oo nala safay kadib markii aan arkay dadkii cadcadaa ee meesha yimi ayaan soo cararay oo tii—arrintii baadiyaha— ayaan soo xasuustay, ka hor intaanan cararin waxaan ku jiray caruur ubax loo dhiibay oo labisan, keersii wax la yidhaahdona samaynaysa[isna ruxaysa]⁸, markaan cararay wixii booliis carab ahaa ee meesha joogay ayaa i bacsaday waanna lay qabtay oo lay sasabay anoo ooyaya ayaan ka qayb galay soo dhawayntii.

Waxaan ku soo noqonay Ceerigaabo anniga oo malcaamad ka galay, waxaana Alle qadaray anniga oo xoogaa carabi ah soo bartay in imtixaan iskuul ah nalaga qaado, iyadoo hal gabadh Ceerigaaboo dhan la siinayo sannadkaas, halkii gabadh ayaan noqday annigu waayo xoogaa carabi ah ayaan la imi meesha, gudoomiyihii degmada Ceerigaabo ee Ingiriiska naagtiisii ayaa iskuulkaas i siisay oo malcaamaddaasna noo maalgalisay sanadkaasna khayrkaas ayaan ka helay caddaankii aan necbaa.

‐——

¹ Qoraalkan waxaan ka soo jarjaray hadal ay Fatima Jama Jibrell ka jeedisay gobolka Minneapolis, Minnisota ee dalkaas USA taariikhdu markay ahayd 26 Juun 2011, khudbadda ay ku qornayd oo meelo badan ka taabanaysay doorkii haweenka ee xornimada awgeed iyo sheekadan iyada khaaska u martay oo marba meel hadalka kasoo galaysa ayaa sababtay inaan kala soo dhex baxo marba meel, ereyo afqalaad ahna soomaali ka dhigo meelo badan oo marka hadal la jeedinayo aan isku xir u baahnaynna aan isku xir u sameeyo waxna aan ku daro, balse nuxurka guud ee qisadda waa sideedii oo waxba kama aanan bedelin.

² Faadumo Jaamac Jibriil waxay ku dhalatay Miyi ku yaalla gobolka Sanaag sannadkii 1947-dii isla halkaas ayayna ku barbaartay, waxbarashadeedii malcaamadda ayay ka kala baran jirtay Cadan iyo Ceerigaabo markii danbena waxaa lagu daray oo ay tartan u gashay dugsi boodhin ah oo uu lahaa Ingiriisku markii ay 16 gaartay ayay u guurtay USA halkaas oo uu deganaa aabbeheed oo ganacsade ahaa, kolkii ay halkaas tagtay Faaduma waxay ka qalinjabishay dugsiga sare ee Temple, marwo Faaduma ayaa heerka koowaad ee jaamacadda ka bilowday jaamacadda Damascus ee Syria sannadkii 1981dii kadib waxay ku noqotay dalka Maraykanka halkaas oo ay ku dhammaysay heerka koowaad ee waxbarashadeeda oo ahaa “Bachelor of Art in English”, iyada oo sii wadata waxbarashadeeda ayay darajada labaad ee waxbarashada(Master) ku diyaarisay kulliyadda “Social Work” jaamacadda Connecticut, halkaas waa USA e ayay ku noolayd in badan iyadoo qaadatay dhalashada dalkaas, kusoo noqoshadeeda wadanka ee 1969kii ayay marwada is guursadeen AHUN Gen Cabdiraxmaan Maxamud Cali Bayr oo ahaa diblomaasi xilal kala duwanna ka soo qabtay dawladihii kala duwanaa ee Soomaalida.

Faaduma Jaamac waxay caan ku tahay arrimaha deegaanka iyada oo gaartay heer la siiyo abaalmarinta Goldman Enviromental Prize, kadib burburkii dalka waxay wax ka dhistay ama fikirkeedaba lahayd aassaaskii hay’adda Horn Relief oo hadda loo yaqaanno ADESO ujeedka ugu weyn ee loo sameeyayna ay ahayd inay wax ka qabtaan xaallada xun ee dalku ku jiray khaasatan gobolada dhexe iyo Baydhabo iyo in la daba qabto deegaanka lana ilaaliyo dhirta, hay’addan ayaa xarunteeda dhexe tahay Nayroobi iyada oona ka shaqaysa dhammaan dalka, haddana waxaa ka shaqeeya hablaha ay dhashay Faadumo. Marwada ayaa kadib hawlgabkeedii dib u bilowday inay ka shaqayso arrimaha deegaanka oo awalba ay gacanta kula jirtay iyada oo samaysay beer ku taalla deegaanka Durduri bilowdayna inay dagaal la gasho dadka dhuxusha ka sameeya dhirta wax badanna ku guulaysatay wacyigalinihii kala duwanaa ee ay samaysay inkasta oo dagaalku uu gaaray qori aakhirkiina ay keli ku noqotay, iyada oo aan la soo koobi garin xiriirka Faadumo iyo deegaanka haddana waxaan kusoo ururin karnaa xubin muhiim ah oo u dhaqdhaqaaqda deegaanka.

Sidoo kale waxay Faadumo wax ka dhistay Sun Fire Cooking oo gacan weyn ka gaystay abuuritaanka isbahaysiyada haweenka ee nabadda, abaalmarinnada kale ee ay ku guulaysatay waxaa kamida National Geographic Society/Buffett Award for Leadership, Champions of the Earth award iyo Takreem award, waanna qoraaga buuga “Nabad iyo Caanno Peace and Milk Scense of Northern Somalia”.

³ Konfoy: Convoy oo la micne ah Kolonyo.

⁴ SII-MAAN: Sea Man oo ah badmaax.

⁵ Harbay: sida ay Faadumaba sheegtay waxaan u badinayaa inuu carabi ka yimi.

⁶ Malcaamad: Dugsi Qur’aan / Madarasad.

⁷ ‘Kilkilada ayaan gashtay’ waxay u tidhi qaab ficil ah anna qoraal ayaan u bedelay.

⁸ Ciyaarta Keersi iyana qaab ficil ah ayay u samaysay oo waxaan u qoray is ruxid.

Qalinka: Axmed Cabdiraxmaan (Sanwilwilo)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com