#JIGJIGA: Waa Hoyga Labaad Ee Somaliland Qore: Axmed Maxamuud

Axmed Maxamuud-Hayaannews

Magaaladda Jigjiga ee xarunta Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxa ka socda horumar ballaadhan iyo furfurnaansho maamul oo ka dhashay qalbi-samida Madaxweynaha deegaanka Md. Mustafe Muxumed Cumar oo ummadiisa  doonaya inuu ugu adeego xornimo iyo dawladnimo.

Horumarka Dawlad deegaanka ka socdaa, waa mid yiddidiillo leh oo ummaddu gudo iyo dibad jooguba ay xiligan ku hawlan yihiin maalgashiga iyo hourmarinta ganacsiga deegaankooda oo dhaqamadii dawladihii hore ay xanibeen.

Waxaa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yihiin qaar ku baraarugsan jaarnimo wanaagga iyo wada dhalashada ka dhexaysa Somaliland.

Sidoo kale, ma jirto wax cadaawad iyo cunsuriyad ah oo deegaanka kililka shanaad looga hayo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxana xaqiiqo ahaan waxba kama jiraan ah wararkii malo-awaalka ahaa ee la lahaa dadka ka taga Somaliland waa lagu dhibaa jidka iyo Jigjiga.

Runtii waxaan muddo u dhabogalay in ciidanka deegaanka Soomaalida Itoobiya iyagoo fulinaya waajibaadka dalkooda keliya ay hubiyaan sharciyada uu qofku ku safrayo oo keliya isla markaana aan waxba la odhan cid kasta oo ku socdaalaysa Itoobiya ee haysata dhukumenti sharciya.

Waxa arrintaa tusaale u ah sidii taliye sareeye guuto Cali Cabdi Gaafaadhi u maamulay waxna uga qabtay labadii qof oo ciidanka liyuu boolisku ku dileen deegaanka Qowl-buulale.

Sidaas darteed, waxaan soo jeedinayaa maadaama Somaliland iyo dawladda federaalka Itoobiya kala saxeexdeen heshiis taariikhi ah oo wax wada qabsi iyo ganacsi in aad loo sii adkeeyo ganacsiga iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ugu dambayn waa guriga labaad ee umnadda reer Somaliland. Labada shacabna waxa ka dhexeeya wada dhalasho iyo jaarnimo.

Qore: Axmed Maxamuud

Email: dhaayoarag888@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

#Hayaannews