Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya Oo kala Saxeexday Heshiis Ku Saabsan Barnaamijka Tababarka Ciidanka Booliska

Ethiopia(Hayaannes): Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan barnaamijka tababarka ciidanka booliska Somaliland

Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Cabdi Axmed Tiir iyo Madaxweynaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Ethiopia Mesfin Abeba ayaa maanta kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan Tababarrada labada Ciidan Boolis.

Heshiiskan ayaa daba-socday safar uu dhawaan ku tagay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi  ,  kaasoo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawladda Federal Ethiopia Commissioner General Demelashe G/Mechiel.

Hoggaanka Tababarrada waxa safarka ku wehelinaayay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska JSL

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com