Prof. Keith L. Moore iyo Sheekh Cabdulmajid Sandaani.

Waxa dunida Islaamka ka baxay nin weyn oo ka mid ahaa culimada sida xoogga ah aqoonta u lahayd ee ay dadka Muslimiintu haysteen, wuxuu aqoon baac-dheer u lahaa cilmu-Falaga iyo is waafajinta Qur’aanka iyo aqoonta Casriga ah, wuxuu la kulmay saynisyahanada ugu waaweyn adduunka qarnigii labaatanaad, isaga oo kala dooday aragtiyo badan oo saynisku maanta gaadhay gaar ahaan aqoonta Uur ku jirta iyo isbedelada ku dhaca samaysanka qofka inta uu caloosha hooyada ku jiro.
Sheekhu wuxu u dhashay dalka Yaman,wuxu wax baray dad aad u tiro badan isaga oo sameeyey jaamacadda weyn ee Alimaan.
Dad badan oo Somali ah ayaa wax ka soo bartay maantana culimo ka ah dhulka ay joogaan, waxa u leeyahay kutub badan oo u qoray, waxa aan ka xusi kara kitaabkiisa caanka ah ee Al Iimaan oo ka mid ah kutubta ugu nafciga badan ee maanta adduunka guudkiisa taala, waxa ka qayb qaatay oo kitaabkaasi oo la qoray amma dib u akhrieyey 100 sheekh amma aqoonyahan.
Wuxuu awooda saari jirey Icjaazul-cilmiga, waxaanu ka mid ahaa ururo iyo Gole-Cilmiyeedyo tiro badan oo adduunka ka jira, haddaba isaga iyo Prof. Keith L. Moore oo ahaa aqoonyahan u dhasahy dalka Kenada oo ka mid ah dadka ugu aqoonta badan dhinaca Uur ku jirta ayuu sheekhu meelo badan siddii ay isku arkeen iyo siddii ninkaas Profseerka ahi uu ugu qancay in aqoonta casriga ah ay cadeynayso in Qur’aanka iyo Nebi Maxamed waxyigiisu uu ka yimmi dhinaca Ilaahay, uu meelo badan kaga sheekeeyey.
Wuxuu yidhi; “Dalka Ingiriiska waxa aan ka dalbaday kitaabka ugu mudan ee ka waramaya cilmiga Uur ku jirta, waxa ay ii soo direen kitaabka uu qoray prof Keith L. Moore, waxa aan dalka Jarmalkana ka dalbaday kitaabka ugu mudan ee la adeegsado marka laga hadlayo uur ku jirta waxa ay iygauna ii soo direen prof Moore kitaabkiisa oo afkooda ku qoran.
Waxa aan gartay inuu ninkaasi yahay nin weyn oo aqoon ah, waxa aan baadhay aflaamta laga sameeyey Uur ku jirta, waxa aan helay 34 film oo halka ay u noqonayaan uu yahay kitaabka Dr. Moore.
Sidee ayaan u heli karaa ninkan ayaan is weydiiyey?
Waxa aan la xidhiidhay Dr. Axmed Xijaasi oo ka tirsan jaamacadda Boqor Cabdulcasiis ee dalka Sucuudiga aqoonta Uur ku jirtana u qaabilsan jaamacadaasi, waxa aan ku idhi; “Waa kuma Dr. Moore?”, wuxuu igu yidhi; “Waa ninka loo daba fadhiisto aqoonta aqoonta Uur ku jirta”.
Waxa aan falawgeeda galay in aan si uun u helo ninkaasi, shir aan ka qayb galay oo jaamacadaasi soo diyaarisay ayaan kula kulmay ninka Sucuudiga u qaabilsan qaybta fanka ee Safaarada ay Keneda ku leeyihiin oo la yidhaahdo Cismam sheekh.
Waxa aan ka codsaday in aan ninkaasi helno oo ka tirsan jaamacada Toronto, wuxuu noo ballan qaaday inuu keeni doono, waxa aanu fursad u helnay inuu Dr. Moore soo booqdo dalka Sucuudiga iyo Jaamacada Boqor Cabdul-Casiis, waxa aanu u diyaarinay siddeetan su’aalood oo ku saabsan cilmiga Uur ku jirta, muddo laba cisho ah ayaanu su’aalihii weydiinaynay, markii aanu dhamaynay ayuu nagu yidhi; “Waxa aad I weydiiseen su’aalo aad u fudud oo dadka bilawga ahi ka jawaabi karaan sidoo kalena waxa aad I weydiiseen su’aalo aan dadka ugu aqoonta badan ka jawaabi karin oo weli baadhitaan lagu hayo.
Marka aanu dooda kula jirnay waanu duubaynay si aanay u dhicin in ay wax iska bedelenaan aragtiyaha aanu ku wada hadalnay, waxa aanu u sheegnay in aanu baadhayno aqoontii ka horeysay Microscope-ka iyo aqoontii la helay intii ka dambeysay Microscope ka.
Waxa aanu sheegnay in Qur’aanku soo degey Microspcope-ka ka hor si aad u xeel dheerna uu uga hadlay uur ku jirta, waanu u akhrinay doodii Qur’aanka, aad ayuu u yaabay waxaanu sheegay in sidan uu uga hadlay Kitaabka Qu’aanku ilaa imika weli baadhitaanada saynisku ku socdaan.
Ugu dambeyn markii u noqday waxa aanu ka daba dirney afartan su’aalood oo keenay inuu naga codsado inuu soo noqdo oo uu muxaadaro ka jeediyo jaamacadii, aqoonayahannadii oo dhan ayaa isku yimmi, waxaanu jeediyey muxaadaradii oo uu u bixiyey; “Cilmiga Uurku jirta casriga ah iyo siday isku waafaqayaan Quraanka dadkii oo dhan ayaa yimmi waanu meel kasta daliil uga dhigay Qur’aanka”, waxaanu ku soo gebogebeeyey in Qur’aanka iyo Nabi Muxamed-ba ay ka yimaadeen dhinac ilaahay.. Dadkii oo dhanna way sacabiyeen waanay qiiroodeen”…
Kutubta Dr. Moore ee muhiimka ah waxa ka mid ah:
1. Clinically Oriented Anotomy
2. Essential Clinical Anotomy
3. The Developing Human oo uu kala qayb qaatay Dr. Sandaani kaas oo ay ugu talo galeen ardeyda caafimaadka ee jaamacadaha islaamka..
4. Review of Medical Embroylogy.
Haddaba waxa aan ku soo gebogebeynaynaa in
Dr. Zandaani Alle ha u naxariistee u ahaa nin aan laga xiiso gogeyn haddii aad dhegeysato muxadarooyinkiisa.