Shantii Talo Ee Ganacsiga Ee Cusmaan Ibnu Cafaan ILAAHAY Raali Ha Ka Noqdee

Qof kasta oo ganacsi ku jira ama mashruuc maalgalineed markii la waydiiyay ganacsiga iyo maalgashiga wuxuu yidhi Shantan arrimod

1.WAAN DAWEEYAA

Marka dhibaato ila soo gudboonaato waan dawayee markaan garto dhibaatada waanan ka gudbaa.

2.WAAN KORIYAA

Markaan Ganacsi galo ama maalgashi ee aan ka faaiido waan ku celiyaa faaiidada mar labaad ganacsiga.

3.FAAIIDO KASTA MA YARAYSO.

Faaiidada wax kasta oo ay noqoto ma yaraysto xataa inta ugu yar fursadeedeeda waan ka faaiidaystaa.

4.MA MAAL GALIYO WAX WAYN.

Kama ganacsado mana maalgaliyo waxyaabaha aad ka qaaliga ah ee qiimaha badan ku kacaaya mana maalgaliyo ee lacagta badan u baahan. waan ka fogaadaa mana galo meel aanan ka baaraan dagin

5.MADAXA LABA MADAX BAAN KA DHIGAA

Qaacidadaasi waa cajiib waa beedkaaga meel ha kuwada ridin waxaan sameeyaa markasta wixii aan meel ku maal galin lahaa laba ayaan u qaybiyaa oo laba meelood baan ku maal galiyaa markasta.

Waxaa ka soo xigtay Assad Rizq

Tabintii Axmed Cali Kaahin

#HayaannewsOffice

 Email: hayaannewsonline@gmail.com