Sheekh Maxamuud Suufi: Imaamkii Mufasiriinta

Sheekh Maxamuud Suufi-Hayaannews

Sheekh Maxamuud Aw Suufi Muxumed (1910-2023) wuxu ahaa mufasir uu biyo dhigay tafsiirku, una sharraxa si ka xeeldheer sida dul-ka-xaadiska ah ee badi loo laqbeeyo tafsiirka.

Wuxu ahaa Quraanruug kolku aayadda dul istaago furfuriddeeda wakhti badan ku qaata. Hababku u fasirijiray dadka macnaha guud doonayaa ma fahmi jirin, se waxa u dhegraaricin jiray ragga tafsiirku u bilaaban yahay oo aqoon dheeraad ah kala hoyan jiray, waana sababtuu sheekh Cabdillaahi Cali Geelle ugu sifeeyey inuu imaam ku yahay tafsiirka sheekhu.

Callaama sheekh Suufi, fanniyo badan oo fiqiga iyo luuqaddu ka mid yihiin ayuu imaam ku ahaa oo aan dabadii laga hadli jirin. Wuxu ahaa murabbi soosaaray jiil badan oo maanta culimada Soomaalida ah.

Culimada tafsiirka ku caanka ah ayaa u qiray isagoo nool in uu yahay ninka ugu aqoon badan Soomaalida. Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo madal ka hadlaya ayaa ka marag kacay aqoontiisa durugsan, “Sheekh Maxamuud Suufi waa sheekha ugu da’ weyn qarankeenna, uguna aqoon badan, haddaan la is xaqirayn nin la aqoon ah oo aan maanta ku ogahay Somaliland ma jiro.”

Tarbiyaddiisii shakhsiyeed ayey tahay in la dareeseeyo si jiilalka dambe tusaale looga dhigo isdhul-dhiggiisi, afgaabnidiisi iyo anshaxwanaaggiisi, si aqoonta diineed ee daacigu u hanaqaaddo. Sheekh Aadan-Siiro ayaan ka hayey rag aan ogahay hadday lahaan lahayeen aqoonta sheekh Suufi kamaynaan fadhineen. Sheekha aqoon balaadhnidiisa bartay dhibirsanaantu inay sarrayn tahay.

Imaam Maxamuud Suufi, dadka iyo dalkuu ka dhashay ayaan nindoorkeeda qiimayn, se aqoon ahaan maanta wuxu la mustawe ahaa ama ka aqoon badnaa ragga ugu cadcad mufasiriinta Quraanka Kariimka ah dunida Islaamka, se Soomaalida ayuu nindoorkeedu ku dhex maqan yahay. Sheekha jannooyinkiisa waaweyn inuu ku casuumo ayaan Rabbi SWT uga baryey oo uu ka yeelo safkii nebi Maxamed N.N.K.H.

Sheekh Maxamuud Suufi-Hayaannews

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com