“Sannado Ayaan Ku Boorinayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka inay Xidhiidh La Yeelato Somaliland Oo Aanay Iska Dhego Tirin” Xildhibaan Jim Risch

Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan Guddida xidhiidhka dibadda ee aqalka Senateka Maraykanka,

USA(Hayaannews)- Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan Guddida xidhiidhka dibadda ee aqalka Senateka Maraykanka, ayaa shaaciyay in uu sannado ku boorinayey wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkiisa inay xidhiidh la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaan Jim Risch wuxuu sidaas kaga hadlay farriin uu ku daabacay bartiisa X (twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu  ku dhaliilay xukuumadda Maraykanka in siyaasadeeda ku wajahan “Soomaaliya mid ahi” aanay shaqeynayn.

Mudane Jim Risch wuxuu qoraalkiisu u qornaa sidan:-

“Sannado ayaan ku boorinayey Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka inay xidhiidh la yeelato Somaliland oo aanay iska dhego tirin nidaamkeeda dimuqraadiyadda.Laakiin xulafadeenna caalamka ayaa amaanay doorashooyinka Somaliland.”

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray “Maamulka Mareykanku wuxuu la aamusan yahay siyaasadda ‘Soomaaliya mid ah’ taasi oo aan ka turjumayn xaqiiqada iyo waxa ka socda Somaliland.”

Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan mudaneyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa ka mid ah xildhibaannada aqalka Senateka ee sida weyn ula socda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo uu ka mid ahaa xildhibaannadii sameeyay xeerkii iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka sannadkii 2021kii.

Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan Guddida xidhiidhka dibadda ee aqalka Senateka Maraykanka,