Xogwarranka Maxaabiistii Hargeysa Ku Xidhnaa 1988kii: Doorkii Uu Siideynta Ka Qaatay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf IHUN

Ka akhri qisadan Shabakada #Hayaannews: Muuqaal Aanu qof maqani suurayn karin ayaa ku jira!
Nuur Ismaaciil Xirsi oo Hargeysa ku nool hadda ayaa ka warramay xaaladdii maxaabiista ku xidhnaa Hargeysa habeenkii dagaalku qarxay, waxa laga qabtay Hargeysa 30kii Mey 1988kii, xilli goorsheegtu ku beegan tahay 05:00 galabnimo. Wiil dhallinyaro ah buu ahaa, waxaana la geeyay xaruntii nabadsugidda oo ku taallay halka ay maanta tahay Haayadda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmibaadhista iyo Arrimaha Dastuurka.
Nin Yuusuf la yidhaahdo oo Hargeysa Guddoomye ka ahaa (DC) iyo nin Shiine Taraafi ah ayaa gacanta ku dhigay. Magaaladu waxay ahayd bandoo, la kala hoydo 03:00 galabnimo, iyaga oo afar ah ayaa la qabtay.
Nuur oo ka warramaya xaaladdii halka lagu xidhay, tiradoodii iyo waayihii ku xeernaa ayaa yidhi ”Saddex qol oo yaryar oo sabbad ah, oo nabadsugidda ah ayaa nala geeyay oo ay min 20 qof ku jiraan, baaldigii kaadiduna uu dhex yaallo, biyuhuna ay cidhiidhi yihiin, runtii kaadiduna ay halis tahay marka ay biyo la’aanta tahay ama uumigeeda iyo cidhiidhiga uu ka soo baxayaa uu cidhiidhi yahay.
Qolku uu hal mitir yahay, aanu daaqado lahayn, sabbad ah, dadkana loogu ururiyay sidii xeryihii Jarmalku wax ku ururin jiray, daaraddana ay fadhiyaan illaa labaataneeyo qof oo odayaashii reer Hargeysa ah”
Waxa ay isugu jireen aqoonyahanno, ganacsato iyo odayaal salaaddiin ah. Waxa lagu haystay reer inay ka soo jeedaan oo ay taageerayaan SNM. Laakiin micno kale oo halkaas yaallay ma jirin”
Inta Nuur xasuustay, waxa ka mid ahaa dadkii halkaas ku xidhnaa:
• Abiib Xasan Filfil oo noqday Wasiirkii Ganacsiga Somaliland
• Axmed Jaambiir Suldaan, Wasiirkii Arriamaha Gudaha Somaliland
• Fuaad Sheekh Abuubakar Ismaaciil, Aasaasaha Mareegta Farshaxan
• Sayid Axmed Mixille
• Cabdiraxmaan Faarax Xarbi. Ganacsade
• Ismaaciil Cismaan Bakayle Ganacsade iyo oday dhaqan
• Cabdi Xaashi Guuleed Waayeel guurti ahaa
• Yuusuf Cabdillaahi Liin (Dhegey) Ganacsade iyo oday dhaqan
• Xuseen Cabdalle Ileeye oo haystay kaalinta 8aad
• Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed Suldaankii Guud ee Gebiley, mudane ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland
• Xasan Xaaji Yuusuf Rooble Duqii Gebiley
• Sheekh Muxumed Raage Dixood, Sheekhii Ceelbardaale
• Ismaaciil Raage Xujuri (Takar)
• Maxamed Ibraahin Waraabacadde
• Cabdillaahi Aw Jaamac Gacanlow Agaasimihii Guud ee Wasaaraddii Macdanta ee Soomaaliya
• Maxamed Cumar
• Aw Jibriil Taanni Geeddi
• Ibraahin Huriwaa Caynaan
• Maxamuudyare oo tagsiile ahaan jiray
• Cabdillaahixayo oo adhiile ahaan jiray
• Saxardiid Maxamed Siciid oo odayaasha waaweyn ahaa
• Maxamed Cabdillaahi Qaalib, oo ay ilmaadeer ruma ahaayeen Cumar Carte Qaalib
• Belaayocas
• Xaashi
• Dhaadheere oo dhallinyaro ahaa
• Axmed Xasan iyo Axmed Maxamed Baaruud oo labaduba farsamayaqaanno ka ahaa Idaacadda Hargeysa
Isaga oo Nuur Ismaaciil Xirsi ka warramaya cuntaxumadii halkaas kala kulantay iyo cadaadiskii jiray waxa uu yidhi:
”Sawirka haddii aan ku dheeraado waxa laga yaabaa in aan ilmaynno. Xilligu kulayl buu ahaa ay May sii baxayso, Juunna ay soo gelayso. Waa xaalad askareed. Dagaalkuna habeenkaas ayuu qarxi doonaa saqdii dhexe 02:00am. 11 quraacood oo loo keeni jiray dadkii xaafadahoodu dhawaayeen ayaa loo loo qaybin jiray 86kaas qof.
Xabbadda laxooxda ahi ugu dhawaan laba ama saddex qof ayay ku hagaagaysay. Ugu yaraan 11 maalmood ayaannu sidaas ku noolayn. Quraac mooyaane, qado iyo casho malaha. Laydha (bannaanka) nalooma sii deyn jirin. Saraakiisha na haysatay waxa aan ka xasuustaa niman la kala odhan jiray Khaliif iyo Shaafi. 17 maalmood baanu ku jirnay.
Habeenkii iigu naxdinta badnaa ayay ahayd. Laakiin rag badani waa ay farxeen. Gal oo ku quful bay ahayd, maxkamadi ma jirin. Aniga iyo 48 aan ku jiro waxa naloo qaaday Malkadurduro, fooqii taliska qaybta ee fooqa Gaanni lagu sheegi jiray. Gaadhi TD ah oo uu watay nin Xasan Rooble Irkad la yidhaahdo oo reer Hargeysa ahaa ayaa nalagu qaaday, oo lagu shaqaysanayay. Nabadsugidda waxa loo dalooliyay Guulwadeyaasha oo ay imaka Baarlamaanku ku jiraan, madaxtooyada ayaa nala hormariyay, dabadeedna halkaas ayaa nalaga geeyay fooqa Gaanni.
Wax murugo badan ayaannu halkaas ugu tagnay. Dadkii ayaa halkaas la fadhiisiyay.”
Nuur Ismaaciil Xirsi oo faahfaahinaya wixii ay kala kulmeen fooqii Gaanni, dadkii la xasuuqayay iyo sidii ay kaga badbaadeen in la laayo ayaa yidhi ”Annaga oo 49 qof ah ayay laba inan/wiil oo askar ah oo midkood imaka noolyahay ka soo dhuunteen dadkii la laynayay, oo annaga ayay na soo dhex fadhiisteen, Ilaahay ayaa badbaadinayay. Dadkaas la laynayay waxay ahaayeen askartii gaas kowaad ee Xaliimaale laga soo qaaday, dad shacab ahina waa wehelinayeen, oo la qabqabtay. Waxa ku jiray qaar Sucuudiga ka yimi, tagsiileyaal iyo dad suuqa iska joogay. Halkaas ayaana lagu xidhay.
Adhiga marka la lisayo waa la sii kala jeediyaa. Sidaas oo kale ayaa afar qofba dhan loo jeediyay, siddeed qof ayaana la isugu xidhayay xadhko waayir ah, gaadhi ayaana lagu tuurayay. Xaajiyad yar oo hal shidh leh baa laga tuurayay, jar yar oo Malkodurduro la yidhaahdo ayaa laga tuurayay, Barawn ayaa lagu furayay. Wuu soo noqonayay haddana, siddeed kale ayaa la saarayay. Marka la dilana waa la soo noqonayay, way socotay, waxaanay bilaabantay maalintii dagaalku bilaabmay, waa se intaan soo gaadhay.
Waxyaabaha naxdinta leh ee aan xasuusto waxa ka mid ahaa nin leh ’sakaraadka iga waraabiya’ oo la xidhayo, waxa kale oo aan xasuustaa nin Ina Faarax Afay ah oo Wiiwaa la odhan jiray oo reer Hargeysa ah oo leh ”Yuusuf-Dhegayow haddaad iga dambayso, carruurtii lacag 150 kun ah uga qaad Xaaji Cali Bootaan”. Waxa kale oo aan xasuustaa nin Dhabbo la odhan jiray oo tasgiile ahaa oo aan garanayo oo shaadh iyo surwaal jiinis ah xidhan, oo qosol gariiraya isaga oo labadiblo loo xidhayo.
Halka aanu ku xidhnayn waxa laga ridayay madaafiicda waxaana la duqaynayay Gannad. Nin la odhan jiray Saxardiid Maxamed Siciid oo reer Hargeysa ahaa, odayaashana ahaa baa yidhi ”Aynu salaadda galno, innaga oo tukanaynna ha inna dilaan’e”. Salaaddii aanu duhurka galnay waxa aanu cabsi daraaddeed uga baxnay saddexdii galabnimo. Ilaahay baa meesha wax ka waday’e waxa noo yimi isla markaas aanu salaadda ka baxnay nin Yaasiin Cambaar la yidhaahdo oo dabargoynta Isaaq dadku odhan jireen mooyi wax loogu bixiyay iyo nin Khaliif la yidhaahdo. Odayaashii Hargeysa way garteen, waanay la hadleen.
Dabadeedna waxa uu yidhi ”Ilaahayow Soomaali kala qabooji dhaha. Intiinnaa aan nolosha ugu imi cidina layn mayso” 51 baanu ahayn. Ninkii meesha haystay ayuu yidhi ii kala qor dhallinyaro iyo waayeel, aan kuugu imaaddo 05:30. Labada qol ayaa nala kala geeyay, waa la dhammeeyay dadkii saddexda qol ku jiray, waxa kab iyo tuute yaalla malayn maysid.
05:30 ayuu yimi waa nala xaadiriyay oo gaadhigii Xasan ayaa nala saaray. Magacyadii dhallinyarada la xaadiriyay ayaan ugu horreeyay, qaar baa yidhi ”waar ashahaado”. ”xaggee nala geynayaa” baan ku idhi ninkii gaadhiga watay. ”Jeelka” ayuu yidhi. Maalintaas jeelkii ayaa naruuro noqday”.
Aniga oo hore tibaaxo uga qoray in Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf IHUN ka qaybqaatay siideynta dadkaas, waxa uu Nuur xusayaa in Xaajigu ka qayb qaatay furdaamintii dadka xaaladdaas ku sugnaa. Alle ha u naxariisto
Suxufi Axmed Xuseen Warsame ayaa qaaday waraysiga oo ka tirsan CBA. AWaraysigaas oo laba qaybood ahaa waxa aad ka daawan kartaa barta Youtube, adiga oo ku qoraya:
Waayo-Arag: Q1aad Nin ku xidhnaa xabsiga Hargeysa 1988 & Dhacdooyin Argagaxleh & siduu u badbaaday.
Siciid Maxamuud Gahayr
#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland